Maraykanka iyo Midowga Yurub oo beeniyey inay weerar Diyaarad Helicopter ah ka fuliyeen Magaalada Marka.


Maraykanka iyo Midowga Yurub Saraakiil u hadashay waxay iska fogeeyeen  inay  Diyaarad  ku weerareen dalka Soomaaliya magaalada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Sh/hoose.

Saraakiishaasi waxay  si wada jir ah  u beeniyeen inay ku lug leeyihiin Weerar shalay Diyaarad Helicopter ah ka fulisay Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose.

Ilaa iyo hadda lama oga cid sida rasmiga ah u fuliysay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Marka iyadoo sidoo kale uusan jirin wali wax war ah oo ka soo baxay qasaaraha ay u geesatay weerarkaasi Xarakada Al Shabaab Al Mujaahidiin ee gobolka Sh/hoose.

Add New Comment