Raiisal-wasaare farmaajo ayaa xafiiskiisa kula kulmay golihiisa wasiirrada iyo wafdi ka socday Qaramada Midobay(UN)



Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi(Farmaajo) ayaa kulankii ugu horreeyay la yeeshay golahiisa wasiirrada,wuxuu ku adkeeyay inay la yimaadaan waxqabad muuqda si caalamku uga taageero dowladda dhinacyada dhaqaalaha,amniga, dib-u-heshiisiinta,isla markaana la dar-dar galiyo Baaqii Shirkii ka dhacay dalka isbeyn ee dowlada Soomaaliya loogu qabtay mudo 60 maalmood ah inay soo gudbiso waxqabadkeeda .

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu  xafiiskiisa ku qaabilay maanta wefdi ka socday Qaramada midoobay oo ay hogaaminayeen Bruno Mpondo-Epo oo ah madaxa xafiiska siyaasada Soomaaliya ee Qarammada midoobay iyo Jonathan Sandy oo ah aggaasimaha amniga iyo horumarinta xafiiska Siyaasada ee Qaramada midoobay kadibna waxay kulan la yeesheen xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda KMG  ah ee Soomaaliya waxayna ku wargeliyeen howsha ugu horreysa ee laga sugayo dowladda cusub inay  tahay sidii ammaan loogusoo celin lahaa dalka Soomaaliya , dhankooda waxay dowladda waydiisatay madaxdii ka socotay Qaramada Midoobay dhaqaale lagu howlgalo iyo in la soo kordhiyo tababarka iyo aqoonta ciidanka xoogga dalka iyo booliska si ay u helaan aqoon gaarsiisa inay si sahal ah ugusoo dabaalaan dalka Soomaaliya ammaan iyo kala dambayn .

Arrintaani waxay immaanaysaa iyadoo ay kala jabeen Xildhinaanadii Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo kuwii dalbanayay in la rido dowladda anay weli ka tanasulin ,go'aankii Ansixinta dowladaa cusub ee uu Godoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay waxay sheegeen in gaf laga galay Dastuurka dalka sidaasi darteedna uu halkaasi ku dhacay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Sharrif Xasan, Xildhibaanadaasi waxay  haatan dalbanayaan in la sammeyo kulan lagusoo doorto Gudoomiye Baarlamaan oo bedela Sharrif Xasan .

Intaasi waxaa soo raaca  dagaal aad u daran  oo fool ka fool ah oo aysoo qaadeen  xooggaga mucaaradka kuwaasoo Madaafiic aad u waaweyn ku duqaynayo Saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, Hadaba haddii aan xal degdeg ah laga gaarin qilaafka ka dhex jira dowladda iyo Xildhibaanada diidan , arrintu waxay keeni kartaa  in magaalada Muqdisho ay wax badani  iska beddelaan maalmaha dhaw ee soo socda.

Add New Comment