SilGor 7/10/2011 6:02:15 AM
Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu safar shaqo oo labo cisho qaatay ku gaaray magaalamadaxda dalka Kenya ee Nairobi.
SilGor 7/10/2011 5:33:12 AM
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ayaa sheegtay in ay si rasmi ah u aqoonsatay gooni-isu-taagga iyo madaxbanaanida Koonfurta Suudaan, kaddib markii malinnimadii shalay uu dagaalkaasi cusub u dabaaldegay, si rasmi ahna uga go'ay waddanka Suudaan intiisa kale.
SilGor 7/9/2011 5:45:09 AM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdigii uu horkacayey ayaa gaaray magaalada Jubba ee xarunta Koonfurta Suudaan, kaddib markii ay xalay saqdii dhexe ka duuleen garoonka dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
SilGor 7/8/2011 3:05:26 PM
Ra'iisul wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, safarka ra'iisul-wasaaraha ayaa ah kii ugu horreeyey ee dalka kaga dhoofo tan iyo intii xilka loo magacaabay.
HOL 7/8/2011 1:49:42 PM
Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada hoose ayaa hirgelisay xero aad u weyn oo loogu talo-galay in lagu daryeelo barakacayaasha kasoo hayaamaya deegaanadii ay ku noolaayeen sababo la xiriira abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.
SilGor 7/8/2011 1:06:29 PM
Dalka Eritrea ayaa beeniyey eedeeyn dhowaan ugu timid shir-madaxeedkii Urur-goboleedka IGAD ee lagu sheegay inay taageero siiso xoogagga Xarakatul Shabaab ee dagaalka ba'an kula jira DOwladda KMG iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
NRK Nyheter 7/7/2011 11:25:36 AM
Abaaraha ka jira gobolka Geeska Afrika ayaa hadda waxa ay u muuqdaan kuwo soo jiitay indhaha warbaahinta caalamka, oo marka aad furato telefishanada akhbaarta caalamka sida Al-Jazeera, BBC, NRK iwm aad ku arkeysaa ayaga oo si weyn uga faalloonaya abaaraha
HOL 7/6/2011 5:18:47 PM
Afhayeenka guud Xarrakada Mujaahidiinta Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo saacado ka hor shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walba oo gacan siinaysa shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
SilGor 7/6/2011 5:12:14 PM
Ra'iisul-wasaaraha Xukuumadda KMG ee Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Gaas ayaa maanta ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka soo cusboonaaday gobollada dhexe ee dalka, kuwaasoo dhex maraya
SilGor 7/6/2011 4:55:17 PM
Dowladda Spian ayaa waxa ay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ugu baaqday in lasii wado, lana ballaariyo tababarka mileteri ee ay siiyaan ciidamada Dowladda KMG, si ay wax uga qabtaan dib u soo
SilGor 7/5/2011 3:14:56 AM
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ay dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii ay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaga soo qaybgaleen shir-madaxeedka urur-goboleedka IGAD.
HOL 7/4/2011 3:03:22 PM
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya inay u guuraan dalka gudihiisa si ay ugu shaqeeyaan.
RM 7/4/2011 2:43:55 PM
Shirkii Urur-goboleedka IGAD uga soo socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa la soo gabagabeeyay, ayadoona ay ka soo baxeen qodobo badan oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.







'
World News