HOL 7/16/2011 5:01:12 PM
Xidlhiabanno ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka digay in shirka wadatashiga ah lagu qabto meel aan Muqdisho ahayn, iyagoo sheegay in haddii ay taasi dhacdo aysna kasoo bixi doonin go'aanno ay Soomaalidu isku raacsan
SilGor 7/16/2011 4:51:28 PM
Mr. Andrew Mitchell oo ah wasiirka horumarinta caalamiga ee dalka Ingiriiska (UK) ayaa asaga oo ku sugan xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya warbaahinta u sheegay in dalkiisu uu ugu deeqayo dadka ay saameysay abaarta ka jirta dalalka Geeska Afrika ee Soomaaliya,
SilGor 7/15/2011 11:41:58 PM
Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu dhaqan galayo isticmaalka passprt-ka cusub ee loo yaqaan (e-passport), hadda kaddibna aan la oggalaan doonin isticmaalka passport-kii hore, aananna dalka looga dhoofi karin.
SilGor 7/15/2011 1:36:25 PM
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa sheegay in intii uu haayey maamulka gobolka Banaadir uu wax weyn ka qabtay ammaanka iyo dayactirka waddooyinka qaar ee mara degmooyinka ay dowladdu gacanta ku heyso.
SilGor 7/14/2011 1:34:03 PM
Wafdi uu hoggaaminayo ku-xigeenka ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Mr. Christian Manhal ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, lana kulmay madaxda Dowladda KMG ee Soomaaliya.
SilGor 7/14/2011 12:55:38 PM
Mas'uuliyiinta Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ee Gobollada Dhexe ayaa ka hadlay dagaallada maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey degaanka Dheg-tuur ee gobolka Mudug, kaasoo dhex marayey beelo walaalo ah oo wada dega gobollada Galguduud iyo Mudug.
SilGor 7/13/2011 12:37:20 PM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray bayaan qoraal ah oo wax badan lagaga sheegay abaaraha dalka ku habsaday iyo sida loo wejihi doono, bayaankuna wuxuu qornaa sidan :
HOL 7/12/2011 1:09:27 PM
Wakiilka xoghayaha UN-ka ee Arrimaha Soomaaliya dajire Augustine P. Mahiga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Muqdisho ku tagay safar gaaban, wuxuuna kulammo kala gooni-gooni ah la yeeshay
SilGor 7/12/2011 12:28:38 PM
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta rartay qaar ka mid ah barakacayaashii ka yimid gobollada dalka qaarkood, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku soo qulqulayey dhismayaal burbursan iyo fagaarayaal ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.
SilGor 7/12/2011 3:47:55 AM
Maaulka gobolka Banaadir oo aad uga walaacsan xaaladda nadaafad darro iyo mida caafimaad ee ka dhalan karta goobaha ay magaalada ka soo degeen dadka kasoo barakacay gobollada dalka ee ay abaartu saameysay ayaa waxa ay sheegeen in dadkaasi loo rari doono xeryo
SilGor 7/11/2011 10:39:43 AM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday dalka Talyaaniga oo uu hoggaaminayey wasiiru-dowlaha dalkaasi ee arrimaha dibedda Mr. Alfredo Mantica.
SilGor 7/11/2011 9:38:04 AM
Xildhibaanad Barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay kulankoodii maanta ku ansixiyeen heshiiskii madaxda dowladda KMG kusoo kala saxiixdeen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda horrentii bishii tagtay ee Juun.
SilGor 7/11/2011 2:31:53 AM
Maanta ayaa mar kale lagu wadaa in Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya ay mar kale ku kulmaan Xarunta Golaha shacbiga ee magaalada Muqdisho si ay uga doodaan heshiiskii magaalada Kampala







'
World News