SilGor 4/8/2010 12:06:54 PM
Munaasabad xil wareejin ah oo aad loo soo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen wasiiro,xildhibaano iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo madaxda ciidamada AMISOM ee u xilsaaran nabadsugidda Dekedda, ayaa maanta lagu qabtay gudaha Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho.
SilGor 4/7/2010 11:20:27 PM
Maareeyihii hore ee Dekedda Cabdi Jiinow Calasow ayaa maanta ciidamada AMISOM ay si qasab ah kaga saartay xafiiskiisii hore ee ku dhexyiilay Dekedda magaalada Muqdishu kadib marki uu ka biyo diiday xil ka qaadsitii lagu sammeeyay maalin ka hor.
SilGor 4/7/2010 2:37:07 PM
Ciidamada nabad sugida ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo gacanta ku siday amar qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare C/rashhid Cumar Sharmaarke taasoo amraya inay Ciidamada Nabad sugida ay is hortaagaan kullankaasi looga soo horjeeday Xukuumada
SilGor 4/7/2010 1:44:52 PM
Kulanka ay yeesheen xildhibaanada ku sugan magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa waxaa ay uga arrinsadeen xaaladda dalka Soomaaliya, iyagoona eedeymo kulul usoo jeediyay R/wasaare C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Xukuumadiisa
SilGor 4/7/2010 1:15:24 PM
Maamulka Xarrakada Al Shabaab Al Mujaahidiin ee Gobolka Shabeellada hoose ,ayaa xukun dil ah ku fuliyay mid ka mid ah ciidamadooda kaasoo ay ku caddaatay in uu qof si bareer ah ugu dilay deegaanka Mareerey ee gobolka Shabellaha Hoose
SilGor 4/6/2010 7:58:31 AM
wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa xilka Maareeyenimo looga xayuubiyay Cabdi Jiinow Calasow oo muddo saddex sano hayay xilkaasi, iyadoo loo magacaabay Xasan Cali Maxamed (Xasan Dheere) inuu qabto xilkaasi maanta wixi ka dambeeya .
Shabelle 4/5/2010 11:06:09 PM
waxaa maanta magaalada Muqdisho isugu yimid Mudanayaasha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya oo gaarayay ku dhawaad 80-Xildhibaan waxayyna kulankooda kaga hadleen kalfadhiga 1-aad ee lagu wado in uu ka furmo xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho iyadoo Mudanayaashaasi Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku
HOL 4/5/2010 10:59:13 PM
Sirdoonka dalka Yemen ayaa sheegay in xubno sarsare oo ka tirsan Al-Qaacida Bariga dhexe ay aadeen dalka Soomaaliya si ay halkaas uga sameystaan saldhigyo ay kusii shaqeeyaan, kaddib cadaadis kasoo fuulay dalalka Bariga dhexe.
SilGor 4/4/2010 11:32:26 PM
Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaaca Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi ayaa u sheegay war baahinta magaalada muqdisho in ay Ciidamada Ahlu Sunna wal jamaaca ay qaadeen dagaalkii xalay ka dhacay degmada Raage Ceele ee gobolka Sh/dhexe waxayna ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan dhammaan degmadaasi Raage Ceele.
HOL 4/3/2010 8:18:38 PM
Waxaa heshiis ku kala saxiixday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Ahlusunna Waljamaaca iyo Koox isku magacowday Muqaawamada Gobollada Jubbooyinka, heshiiskaas oo ah mid looga horjeedo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin. Heshiiskan ayaa waxaa Ahlusunna u saxiixay Sheekh Xuseen Sheekh Dayib halka Kooxda kale uu u saxiixay Maxamed Amiin Cabdullaahi Cismaan
SilGor 4/2/2010 2:15:04 PM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii uu magaalada Sirti ee dalka Libya kaga soo qaybgalay shirmadaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay halkaasi, booqashana ku soo maray dhowr dal oo ku yaalla Geeska Afrika.
HOL 4/1/2010 3:27:17 PM
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa sheegay inaan awood ciidan oo keliya looga adkaan karin kooxaha dowladda kasoo horjeeda, isagoo xusay in loo bahana yahay fikrado kale iyo in golaha wasiirrada xubno cusub lagu soo biiriyo si kalsoonida shacabka sare loogu qaado.
SilGor 4/1/2010 9:02:29 AM
Midowga reer Yurub ayaa waxa uu ansixiyey in 7-da bishan April ay billaabanayaan tababarro mileteri oo 2000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya uga furmi doona xeryo mileteri oo ku yaalla gudaha waddanka Uganda.







'
World News