SilGor 4/18/2010 1:21:25 PM
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaank Dowladda KMG ee Soomaaliya Cisman Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayey Dowladda KMG ee Soomaaliya, xilli maanta la filaayey inuu dib furmo kalfadhigii barlamaanka.
SilGor 4/17/2010 4:35:11 PM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa duhurnimadii maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii ay booqasho ku soo mareen dalalka Uganda iyo Kenya, halkaasoo ay kula soo kulmeen madaxda labadaasi
SilGor 4/16/2010 11:35:19 AM
Munaasabadda ayaa ka dhacday xero mileteri oo ku taalla meel magaalada Kampala ee xarunta dalkaasi 200 Km. kaga beegan dhinaca galbeed, halkaasoo saraakiil ka socota Midowga Yurub ay ku tababarayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.
SilGor 4/16/2010 10:47:41 AM
Dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo isku dhinac iyo xoogagga Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda dowladda iyo joogitaanka AMISOM ayaa waxa uu saakay aroortii hore ka dhacay agagaarka Guriga Shaqaalaha ee degmada Hodan ee magaalada
jowhar 4/15/2010 2:24:26 PM
Iyadoo maalintii labaad magaalada Muqdisho uu ka socdo wada hadalo albaabada ay u xiran yihiin oo ay leeyihiin Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah iyo Dowladda KMG, ayaa wada hadaladan waxay dhameystirkooda yihiin sidii Ahlu Sunah jagooyin uga heli laheyd Dowladda Soomaaliya.
SilGor 4/14/2010 2:16:54 PM
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa u magacaabay guddoomiyihii hore ee ururka Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax Afhayeen cusub oo wixii howlgallo ah ee ururka Ahlusunna lagala soo xiriiro,mowqifka ururkaana isaga warbaahinta gaarsiiya .
SilGor 4/13/2010 4:45:26 PM
Idaacadaha maxaliga ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho intooda badan ayaa saakay bilaabay inay joojiyaan heesaha iyo muusikada iyagoo fulinaya amarkii kasoo baxay Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Macallin Xaashi Maxamed horaantii bisha abril 2010
SilGor 4/12/2010 1:16:12 PM
12-ka April oo ah maalintii la aas aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa magaalada Muqdishu looga dabaal degay sanad guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay markii la aasasay 1960-kii,xuska munaasabaddani ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha
SilGor 4/11/2010 3:29:25 PM
Guddiga dayactirka Golaha Shacabka oo maanta shaaciyay in la soo gabagabeeyay howshii dayactirka dhismaha Guriga Shacbiga ee magaalada Muqdisho oo dhowr bilood Socotey,waxayna xaqiiijiyeen in loo wada dhameystiray agabkii u suuragelin lahaa Mudaneyaasha Baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaliya howl maalmeedkoodu ay ku fulin lahaayeen.
SilGor 4/10/2010 5:47:03 PM
Allaah ha u naxariistee waxaa dhowaan magaalada Muqdisho ku geeriyooday marxuumad Aamina Maxamed Xasan Aamin oo 85 jir ahayd, waxaana geerideeda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda iyo asxaabtii ay ka geeritay oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
SilGor 4/10/2010 1:20:13 PM
Shirkadda Xawaaladda Amal Express ayaa maanta Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ku xukuntay inay dib uga uruuriso buugaag ay ku qoran yihiin sida la sheegay afar qodob oo xadgudub ku ah diinta Islaamka, kadibna si tacsiir ah ayaa waxaa lagu xukumay inay soo daabacdo kitaabo laga barto Diinta Islaamaka
SilGor 4/10/2010 3:45:42 AM
Xafladda Nikaaxani oo ay soo qabanqaabiyeen Liibaan Cabdulqaadir iyo Xaaskiisa Faa'iisa Cumar , iyo Abyan Cabdulqaadir iyo Saygeeda Maxamuud, xafladaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galeen
SilGor 4/9/2010 2:06:18 PM
Wareegto Amar ah oo kasoo baxday Xarrakada Al-Shabaab Al- Mujaahidiin ayaa maanta ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobollada ay gacanta ku hayaan ay kaga joojiyeen dhageysiga Idaacadaha BBC-da iyo VOA-dhammaan , Idaacadahaasi waxaa lagu eedeeyay inay yihiin idaacado u adeega Saliibiyiinta iyo inay Fulinta diinta islaamaka iyo Mujaahidiinta ay tashwiish geliyaan kana beensheegaan.







'
World News