SilGor 11/16/2009 3:46:52 PM
Dagaallada ka soconaya Jubbooyinka ayaa waxa kasoo baxaya warar dheeraad ah kaddib markii saakay uu dagaal ka qarxay degaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, kaasoo sida la sheegay markii dambe kusii fiday degaanno hor leh oo isla gobolkaasi ah.
SilGor 11/16/2009 3:09:43 PM
Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta saxaafadda magaalada Muqdisho u soo bandhigtay dhallinyaro ay ku sheegtay inay ka soo goosteen Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah ururrada sida weyn uga soo horjeeda Dowladda KMG.
SilGor 11/15/2009 9:08:36 AM
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Addis Abeba ee xarunta dalka Ethiopia kaga qayb galaya kulan ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Boqortooyada Sacuudi Caraabiya iyo dalalka ku yaalla mandiqadda Geeska Afrika.
SilGor 11/14/2009 9:05:47 PM
Waxaa dhambaal tacsi ah oo ku aaddan geeridii naxdin lahayd ee ku timid marxuumad Xaajiyo Faaduma Axmed Qadiin naga soo gaartay Xaajiyo Maka Xaaji Cadde iyo carruurteeda iyo sidoo kale Xaajiya Khadiija Xaaji Macow iyo carruurteeda.
SilGor 11/13/2009 6:50:20 PM
Kulankii Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay ku yeesheen Nairobi ayaa fashil ku dhammaaday kadib markii Madaxweynha Soomaaliya Sh.Shariif uu ku adkeestay inta maamul Goboleedyada oo dhan la wada dhameystiraayo aan Gobol si gooni ahaan wax loo siin doonin.
SilGor 11/12/2009 9:11:28 AM
Midowga waddamada reer Yurub ayaa sheegay in kulan 17-ka bishan November ay yeelan doonaan wasiirada arrimaha dibedda ee EU-da ay kaga wada hadli doonaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen tababaridda kumanaan ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ee
SilGor 11/11/2009 1:11:36 PM
Dilkan Xildhibaan Ibraahim Cilmi Gaab ee ka dhacay Magaalada Garoowe ee caasimada Puntlnad, ayaa ku soo aadaya saacad iyo bar kadib markii magaalada Boosaaso lagu diley Gudoomiyihii Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Bari Shiikh Maxamed Cabdi Awaare.
SilGor 11/10/2009 5:56:56 PM
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu dalka ka maqnaa waxaa uu safarro ku soo kala bixiyay dalalka Kenya, Britain, Belgium, Switzerland iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna dalalkaas qaarkood ku tegay martiqaad rasmi ah, halka kuwo kalena uu safar ku soo maray.
SilGor 11/9/2009 6:51:58 PM
Koox Burcad badeed ayaa qabsatay Markab la sheegay inuu watay calanka imaaraadka carabta oo hub u siday wadanka ay dagaaladu la dageen ee soomaaliya. Markabkani waxa uu watay magac been ah" Al Miizaan ", kooxda burcad badeedu waxay Markabkani ku haystaan xeebta Garacad. Arrintani waxay ka hor imaanaysaa cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midowday ku soo rogtay Soomaaliya.
SilGor 11/8/2009 2:13:13 PM
Kumanaan dadweyne ah oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Afgooye ayaa maanta barqadii waxaa ay ku soo xoomeen meel fagaare ah oo ku taala duleedka Degmada Afgooye halkaasi oo ay ka dhaceysay xukun qisaas ah kaasoo lagu fulinayey askari ka tirsanaa ciidamada Xisbul Islaam ee Maamulka Degmada Afgooye.
SilGor 11/7/2009 11:16:20 AM
shir ka dhacay xarunta Baarlamaanka Afrika ee dalka Koonfur Afrika ayaa Xildhibaan Ibraahim Xabeeb oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya loogu doortay inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka Waddamada Afrikada Bari ee Baarlamaanka Afrika.
SilGor 11/6/2009 5:49:46 PM
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay maamul cusub oo uu yeelanayo Gobolka Banaadir, kaasoo beddeli doona maamulkii hore ee uu guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Cusmaan Cali(Dh/tuur).
11/5/2009 9:06:54 AM
Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in xayiraaddii saarneyd xoolaha nool ee dalkeeda uga iman jiray waddanka Soomaaliya, kaddib markii ay xayiraad saarneyd muddo ka badan 8 sano ah, oo loo sababay cudurro kala duwan oo laga sheegay xoolaha







'
World News