Koox Burcad badeed ah ayaa qabsatay Markab siday hub
Kooxaha Burcad badeeda ayaa qabsaday Markab la sheegay inuu watay calanka imaaraadka carabta oo hub u siday wadanka ay dagaaladu la dageen ee soomaliya tasoo ka hor imaaneysa cunqabateyntii hubka ee qaramada Midoobay ku soo rogtay Soomaliya. Andrew Mwangura oo sarkaal Kenyan ah oo arimaha badda qaabilsan ayaa waxa uu ka warbixiyay markabkan la afduubtay isagoona sheegay in markabkani uu watay magac been ah oo ah Al Mizan islamarkaana ay kooxaha burcad badeedu ku hayaan xeebta Garacad.
Wuxuu Andrew Mwangura intaasi ku daya in Markabkani uu ahaa mid ka mid ah maraakiibta hubka ku soo daabula gudaha soomaliya ee sida sharci darrada hubka u soo geliya.
Bishan kaliya ayaa kooxaha burcad badeedu waxa ay qaadeen 12 weerar iyadoo Andrew Mwangura uu ka digayo in saacadaha soo socda ee 48 saacadood ah ay dhici karaan weeraro hor leh oo ay kooxaha burcad badeeda qaadaan.
Markabkan hubka u soo siday Soomaliya ayaanan la cadeyn karin cida uu u soo socday hadii ay ahaan laheyd dowlada Soomaliya iyo kooxaha ka soo horjeedaba, iyadoona markabkani lagu tiriyo maraakiibta sida sharci darrda ah hub u soo geliya soomaliya.
Lama oga waxa ay ka yeeli doonaan kooxaha burcad badeedu markabkani, welina kama soo bixin wax hadal ah oo ku aadan amuurtan iyo dalabkooda ku aadan siideynta markaabkaasi.
Add New Comment
|
|
|