SilGor 11/2/2010 7:04:28 PM
Dowladaha Ingariiska iyo Jarmalka ayaa xayirad kusoo rogeen dhammaan duulimaadyada dalkooda kaga yimaada Dalalka Yemen iyo Soomaaliya ayadoo sabab kaga dhigay inay qatar ku yihiin ammaanka maadaama ay labadaasi dal ay joogaan kooxo Al qaacidda ah.
SilGor 11/2/2010 10:53:51 AM
Sheekh Cali Maxaa Xuseen oo ah Waaliga Alshabaab ee Gobolka Banaadir munaasabad tababar loogu xiray Haween fara badan oo reer Muqdisho ah wuxuu ugu baaqay Haweenka Soomaaliyeed in dagaalada ka socda dalka ay ka qeyb qaataan
SilGor 11/1/2010 12:15:27 PM
Xaflad maanta ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya oo ay kasoo qaybgaleen madaxweyne Sheeh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, wasiirradii hore iyo xildhibaannada baarlamaanka ayaa lagu dhaariyay Ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo)
SilGor 10/31/2010 8:03:31 AM
Kulan ay manta isugu yimaadeen mudanayasha Baarlamaanka oo daqiiqado ka hor soo gebagabeeyey ayna ka soo qeyb galeen mudanayaal tiradooda lagu sheegay 391-Xikdhibaan, Isla marklaana uu shir-guddoominjayey guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo furitaankii shirka ka jeediyey hadal kooban
SilGor 10/29/2010 7:05:48 PM
Xoogaga Shabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa maanta si nabadgelyo ah kula wareegtay degmada Beledxaawo kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna waljameeca ee mudooyinkii danbe gacanta ku haayey
HOL 10/28/2010 6:58:23 PM
Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya C/qani Maxamed Wacays oo ka warbixiyay xukunnada lagu riday dhallinyaradan Soomaaliyeed, ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen dad badan oo ay ku jiraan dad u dhashay dalka Liibiya, kuwaasoo lug ku lahaa tahriibinta dadka.
SilGor 10/27/2010 3:36:35 PM
Xarakada Alshabaab Al Mujaahidiin ayaa waxay ku toogteen galabta fagaare ku yaal magaalada Beledweyn Labo haween oo ay ku soo eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen Dowladda Itoobiya iyo Ciidamada Dowladda KMGH ee Soomaaliya.
SilGor 10/27/2010 2:11:56 PM
Kulankii maanta oo arbaco ah oo lagu waday in Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ayaa ku yimid dib u dhac kadib markii si lama filaan ah uu dalka booqasho ugu yimid ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabinlan Soomaaliya Augustine Mahiga si uu xal ugu helo khilaafka labada Mas'uul
SilGor 10/27/2010 1:42:14 PM
Agaasimaha Warfaafinta Madaxweynaha ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka ergeyga UN Augustine Mahiga uu ku soo dhamaaday is afgarad ,kilaafkii Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan wuu xaliyay wuxuna ka codsaday masuuliyiinta inay ansixiyaan Ra’iisul wasaare Farmaajo.
SilGor 10/25/2010 6:14:33 PM
Waxaa maanta Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa ee loo yaqaan (KACC)xabsiga ay dhigeen Duqa magaalada Nairobi Mayor Geoffrey Majiwa kadib markii lagu soo eedeeyey inuu dhul ku iibiyey lacag toban jibaar ka badan qiimahiisa, dhulkaa loo rabay in laga dhigo Qubuuro
SilGor 10/25/2010 5:16:53 PM
Kooxo hubeysan oo Afrikaan ah, ayaa xalay tuulo ku dhow magaalada Cape-town ee dalka koonfurta Afrika ku dilay laba ganacsade Soomaali ah oo la kala yiraah Xuseen Maxamuud Carraale iyo Mahad Maxamuud, iyadoo saddexd kalana ay halkasi ku dhaawacmeen
SilGor 10/24/2010 1:22:51 PM
Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa kusoo bandhigtay Muqdisho waraqaddaha aqoonsiga iyo maydka askari u dhashay dalka Ugaandha kaasoo ka tirsanaa ciidamada AMISOM ee nabad illaalinta u joogga dalka Soomaaliya.
SilGor 10/24/2010 12:46:31 PM
Gudoomiyaha Barlamanka waxaa uu ugu baaqay midowga Yurub, Midowga Afrika, Ururka IGAD, Maraykanka iyo dhammaan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya inay wafuud u soo dirsadaan u xaqiijiyaan natiijada ,Amnigana Ciidamada AMISOM in ay adkeeyaan







'
World News