Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY(Qeyb-ta 5aad)


Sheekadii HEYBE  IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.

 

Cutubka 2-aad:- HAL-XIRAALIHII HAMIGA.

Qeyb-ta 5aad.

 

 

Iyagoo ku gudo jira howl maalmeedkoodii, meheradoodiina maareynaya, ayaa waxaa dukaankii mudh soo yiri dhowr gab-dhood oo si wada jir ah u socda, waxayna bilaabeen inay weydiin iyo kaas immisaad siisaan iyo keer soo qabo ku mash-quuliyaan.

 

Muddo saacad ku dhow ayay-na had-ba gees ka istaagayeen dukaankii, sida runtu tahay uma socon in ay wax gataan, waxayse ahaayeen kuwo u soo baxay inay ku soo ilwaadsadaan waxyaalaha kala duwan ee ganacsiga suuqa u yaala, ama howaarta si kale u dhigee guri joog u soo baxay lugo daalin, qaab dhaqankoodana waxaa ka carooday Siciid, oo si kulul uga dalbay inay faaruqiyaan dukaanka haddii aanay wax iibsanayn, waxaase ka difaacay Heybe oo ku yiri:-

 

Heybe:- War gabdhaha sidaa ha ula hadlin, oo ka ilaali hadalka adag ileyn waa dumare. Iyagiina wuxuu ku yiri soo dhowaada, dukaanka wax baad ku leedihiine, markuu sidaa leeyahay wax-baa saaqay isaga, dareen siloon baana sibiq ku galay….xaalkiisuna waa ISMA WADEE WAX BAY WADA….ama……………………………KADISOW IGU SOO GALAYEE.

 

Gab-dhihii muraad la’aanta u soo galay dukaanka mid ka mid ah ayaa saameyn ku yeelatay Heybe, ogaal la’aan ayay-na indhihiisu ku maqnaayeen iyadaas, humaageeda ayuu si himbiriirsi ah ugu dheygag-sanaa, haddii ay tiisu ahaaneyso wuxuu dalban lahaa in ay iska sii joogto oo had-ba shey weydiiso, maxaa daarey igaarka…..yaa kugu dhaama…gab-dhihii iyada la socday ayaa hoosta iska gujiyay si ay isu tusaan sida uu wiilakni ugu maqan yahay saaxiibtood.

 

Lo’duba way taqaan wadada ceelka geysa, Heybana wuu yaqiinsaday in gabadha xaggeeda looga yeeraayo, HADDAAN YARTA DEYN LAHAA….adigu dhameys-tiro,  si aysan u noqon mar la arag la dhuumata saameyn-teeda ayuu si wada jir ah uga dalbay magacyadooda iyo halka laga heli karo ee loogu soo hagaagi karo, haddiiba baahiyi timaado.

 

“Midaa xagga u xigta waxaa la yiraahdaa Nadiifo, tan ka sokeysana waa Fartuun, anigana magaceygu waa Haweeya, idinkana magacyadiina soo daaya”

 

Sidaa waxaa uga jawaabtay codsigii Heybe middii miidaan-tiisa kicisey ee maankiisu ku mashquulay, is-na wuxuu u sheegay magaciisa, iyo kan Siciid, Haweeyana waxay u raacisay inay lugta soo marin doonaan markii ay suuqa u soo baxaan-ba, markii ay sidaa leedahay-na waxay si xalad leh u dabooleysay inay sheegto goobta degaanka u ah.

 

Si kastaba, hadalkeedu wuxuu farxad geliyay Heybe oo si uu u muujiyo qushuuca qalbigiisa buuxiyay qosol dhoola caddeyn ah dhag ka siiyay, umase suurto gelin in uu helo barta rasmi ahaan ay ugu hoydaan ee raaska u ah, intaa kadibna gab-dhihii oo xishood dumarnimo laga dareemi karo ayaa albaabka ka degay.

Wax baa madlanaa mooyee gab-dhuhu iskama soo gelin dukaanka, daruuraa curtay oo dusha darre ka dadey dhulkii,  cirkii baa is xirey, seermo weydaa is keentay, saxan-saxadeedii  baa saaqdey Heybe,  mahiigaan jaceyl baa onkoday, hilaac arrami siduu wagagac ka siiyey,  dabeylo aan dareen mooyee indho lagu arkeyn baa xawaareeyay.

 

Laamo rucubyo miraa ku teedsan yihiin baa ruxmanaya, hirar baa is daba socda, Mowjado dhaadheer baa rogmanaya, oo maxay sidaan, farxad, rajo, mustaqbal iyo aayatiin, mise uur ku taalo, urugo, argagax, ayaan daro, yaa og, wax badan oo ku dahsoon xilliga haddii hor-dhac ahaan loo sii ogaan lahaa show macaanka nolosha ayaa dhumi lahaa, maalmuhu sugid ayay u baahan yihiin mooyee wey imaan, DEG-DEG DOOR MA DHALEE aan isku deyno waqtiga iyo Heybahan jaceyl-ku u soo martiyey.

 

La soco qeyb-ta xigta.

 

Hal-abuurkii:-

C/naasir Dalmar Maxamed.

[email protected]=





Add New Comment