| 
              
            
                |  Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY      (Qeyb-ta 10aad)   Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
 
 Cutubka 3-aad:- Labo kala baridey kala war la’.
 Qeyb-ta 10aad.
 
 Xaalada
 ku soo deriday ee ku dul habsatay Heybe waxay dhiniciisa culeys kaga 
noqotay Siciid, waayo wuxuu waayay kaalinkii kaga aadanaa howlaha 
dukaanka, ileyn wuxuu la ciirayaa oo curuqyada jirkiisa cadaadinaya 
muhashada aan caadiga ahayn ee uu hayo tii ay calmashadu calanka u dul 
surtay, waxaana si cufan oo culeyskeeda leh uu ula calool-yoobayaa xiiso
 cilinaad ah oo uu iyada u hayo, taasina maaha mid uu kula calool 
fiyoobaanayo Siciid oo wuxuu haaraamayaa maalin baastii ay dukaanka soo 
booqatay.
 Heybe dukaanka wuu dhex joogaa mooyee maan-kiisu meelo aan
 la tilmaami karin ayuu miranayaa, inta badan wuu maah- san yahay oo waa
 maqane jooge, muuqiisaa meesha mutuxan mooyee waa maqan yahay, waxaa 
dhacda in uu marar badan dadka beec doonka ah siin waayo jawaab, keliya 
indhaha ayuu ka mirig-mirig siinayaa.
 MAR BAAN SIDA MA YEERAAN MUDDO
 AAMUSAAYOO ISHA MIRIG KA SIIYAA, ayuu xaalkiisu la meel moqday, 
arrimuhu way isku milqi lahaayeen haddii aanu jirin ruux saddexaad oo 
shaqaale ah, muddo-na dukaanka joogay, Siciid-na waxay taasi u noqotay 
fursad ka furdaamisa fahmad la’aanta heysata Heybe.
 Dhanka kalena 
waxaa Nairobi soo gaaray dano-na ka soo yeeshay Hire, intii uu joogey-na
 dhankiisa ayuu how-sha ka cabay, waana la taabsiiyay in Heybe la saaqey
 oo ay sun jaceyl laabta kaga sidkan tahay, qudhiisu wuu dareemay wuuna 
daalacday xaalada deriska la noqotay, ku lug yeelashadii beeca 
dukaankana uguma darin isaga ( Hire ) ee waxay u noqotay fursad uu si 
weyn ugu fahmay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee meesha ka socda, waxuuna ku 
hamiyay in uu halkan u soo wareego reerkana soo raro, oo
 lagu soo idlaado Islii iyo Nairobi.
 Mararka saanta dadku ka yaraato
 dukaanka, sheekada furan ee lagu maad-sado waxay noqotay arrimada heysa
 Heybe, isna wuu ku istareexaa maxaa yeelay wuxuu u arkayay mashquulintu
 inay ka yareynayso mahadhada ku maax dilaacda mar kasta oo uu soo 
xusuusto mida makaabsatay ee minanka ku yeelatay maankiisa, xaalkii oo 
sidaa ah-na maalmo badan ayaa sidaa lagu mooday, waqtiguna geedigiisi 
ayuu isaga jirey.
 Shalay iyo maanta isku mid maaha, maalmuhuna waa 
kala duwan yihiin, ayaamuhu-na waxaysan isaga mid ahayn dhacdooyinka ay 
sidaan, ee ay wal-waalayaan, marar hore waxaa jirtay in uu Heybe la 
anfariiri jirey haddii uu arko qof la leeyahay waa la gaaray oo caashaq 
baa gaaday, haddase isagii ayaa la hayaa oo la haleelay, weliba howl u 
gooni ah ayaa hoodi soo tiri, kalgacal keli kugu kooban waa adduun kugu 
kadleeyay, reer Banaadirigu waxay markan oo kale ka yiraahdeen KELIGAA 
WAX JECLOOW WAREER WAAYE, been-na maahoo waa
 taas Heybe la harsan la’yahay, hoyaad-na uga tegay jaceyl keli ku ah oo
 aan lala habeynayn, haddii loo ogaan lahaa hiirtaanyada haatan heysa ma
 heyseen ee wuxuu ka hirqan lahaa dhinaciisa wanaagsan, haddii lagu 
diidana si un buu ka yeeli lahaa.
 Naf iyo damac maxay dadka 
debin-daabyo ku hayaan, Heybe naftu waxay u doortay gabar doonistiisa 
moog, damacuna sidoo kale ayuu diirada u saaray naf derbi kaga aadan 
yahay rabitaankiisa, waxoo dhan waxaa isku fuuqsaday dookha dunta ugu 
xirey mid uu jaaheeda dharaar keliya daalacday, yaabka yaabkiis iyo lama
 arag maahoo!!!!.
 Inkasta oo aadanuhu kahsado wixii ka raaga, 
haddana waqtigu wuu imaan kadoba ha ku yimaadee, mana dheere maalmaha is
 riixiyaa inay kuula yimaadaan arrin aad muddo sugeysay kuguna 
dheeraatay, waayuhu waxay is guraan, guhaada kalgacalkuna qalbiga Heybe 
ay gal-gelin ka samaysatay, waxaa la gaaray ammintuna gaadada saartay 
xilli xaggiisa gob ka ah, si weyna uu u dhereraayay, haddii
 arrimuhu isu muujin lahaayeen si hor-dhac ah, dadka qaarkii waxaa laga 
yaabaa inay farxadu ku noqoto naxdin oo ayba ku walaacaan helitaanka 
wixii ay sugayeen halkii ay kaga farxi lahaayeen, xusuuso FARXADI WAA 
NAXDIN.
 Sidii u caadada ahayd ayuu Heybe soo aaday dukaankooda, 
wuxuuna weli la tiicayaa tacadiga jaceyl ee laabtiisa taalada ka 
samaystay, haddiise uu ogyahay inay maanta ka duwan tahay maalmaha kale 
oo ay waayuhu dhankiisa u soo galbinayaan fursad isaga reyn reyn iyo 
riyaaq u ah lama saadaalin kareen dareenkiisu sidii uu noqon lahaa, 
lamana qiyaasi kareen farxadiisu heerka ay gaari lahayd, yaase kuu 
sheegaya waxa ku soo aadan eed kala kulmayso waqtiga, waa cid-na.
 
 La soco qeyb-ta xigta.
 
 Hal-abuurkii:-
 C/naasir Dalmar Maxamed.
 [email protected]=
   Add New Comment |  |  |