Sheekadii
HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
Cutubka 1-aad:- SAFARKII
SILOONAA.
Qeybta Koowaad.
Kolkii uu qarxay dagaalkii lagu
dilin-dileeyay dowladii kacaanka aheyd, qaxayaasha tiro ahaan aan la qiyaasi
karin ee dalkii ka cararay waxaa ka mid ahaa Heybe Xaaji dhengad, wuxuuna isagu
kolkii ay xabadu dhex xawaareysay xaruntii dalka ee Muqdisho baarka ka jaray
gugii 23aad, isagoo (Heybe) ka mid noqday dadkii ugu horeeyay ee ka baqoolay
magaaladii bari-samaadkii ugu bilicda sameyd bariga Afrika ee
Muqdisho.
Safarka aan lagu talo gelin ee dantu
keentay, aan iraahdo QAX waxaa ku wehliyay Heybe labo ka mid ah dhalinyaradii ay
isku hoyga ku noolaayeen, Hire iyo Siciid waxaana Adeer iyo Eedo sida ay u kala
horeeyaan u ahaa Xaaji Dhengad iyo Afadiisa Libin, aabaha iyo hooyada Heybe,
isaga ayay-na isla soo qaateen koritaankii caruur-nimo.
Dhalintaasi waxay xabad ka cararkii ku
gaareen magaalo xeebeedka koofureed ee Kismaayo, halkaas oo ay soo beegsadeen
dad aan yareyn oo sidooda oo kale ka soo baxsaday balaayadii soo balaysay bartii
ugu bulshada bad-neyd magaalooyinka dalka ee Xamar, waxaana iyaga u bilatay
nolol ay moogaayeen, waayo, waa markii ugu horeysay ee ay baalka dhigaan
baradooda meel aan ahayn.
Heybe si gaar ah ayay ugu adkaatay in
uu la qabsado xaalada qalafsan ee qaxa, sidoo kalena waxuu tahli waayay inuu
qarsado sida uu uga xun yahay ku noolaan-shaha Kismaayada uu qaxootiga ku yahay,
isla markaana uurka ayuu ka hiifayay ibtilada sababta u ah waxa ka aloosan
caasimadii, wuxuuna dhowr jeer u hinqaday dib ugu laabashada hoygooda, laakiin
waxaa rabitaankiisa ku hor gudbanaa amar adag oo uu ku soo lamaanshay aabihii,
kaasoo ay u muuqatay in dhibaatadu sii daba dheeraan doonto, dantuna ku jirto
naf la carar iyo i bixiyow i bixi.
Iyadoo xaalku sidaa yahay, intaana ay
soo kordhayaan dadka ka baxsanaya baaruuda ka bagagac leh Muqdisho, ee
qaxootinimada ku imanaya Kismaayo ayaa waxaa qaxayaashi ku soo siyaaday Hooyo
Libin iyo intii kale ee reerku ka koobnaa marka laga reebo Xaaji dhengad oo ku
adkeysatay in uu aqalka ilaalo ka ahaanayo.
Heybe wuxuu la diifeysnaa ku
noolaashaha Kismaayo, waxase uga sii darnaaday fariin ay daboolka uga qaaday
Hooyo Libin, taasoo ahayd in loo darbado oo loo diyaar-garoobo safar aan
sahlanayn oo lagu beegsanayo dalka nala deriska ah ee Kenya, isagu ma jecleysan
arrinka la soo jeediyay, waxaase dhegihiisa laga dherjiyay codka Aabihiis oo ku
duubnaa cajal ay maamadu siday, Xaajiguna wuxuu si gun iyo baar ah ugu
tirtirsiiyay inankiisa in arrintu lama huraan tahay, dantuna ku jirto, isagoo
ula hadlay si uu dareemi karo, waa dad is dhaloo is yaqaan, codkii Xaaji Dhengad
wuu saameeyay Heybe, wuxuuna u muuqday mid qaatay oo ku qancay qaraarkii
Aabihiis soo jeedshay, intaa waxii ka dambeeyay waxaa la oogay tabaabushe safar,
iyo in loo hayaamo meel aan hore hiyiga loogu heyn.
Reer Xaaji Dhengad waxay Kenya ku
gaareen safar dhanka badda ah, dad badan ayayna ka hoodo wacnaayeen, kuwaasoo
safar dhib badan oo dhanka dhulka ah ku galay dalka ood wadaagta nala ah ee
Kenya oo horaantii sagaashanaadkii ahaa mid ay ku soo hirtaan habqankii ka
baxsanaayay shidadii ka hulaaqeysay dalka oo gaartay heerkii ugu xumaa marka
laga hadlayo nolosha aadmiga.
La soco qeyb-ta 2-aad.
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
[email protected]=