WAA MAXAY SHEEKO?.
Jawaabta waxaan ku koobi karnaa inay
Sheekadu tahay qoraal ka jan-jeera hadalka caadiga ah, kaasoo loo adeegsadey si
far-shaxanimo ah, iskuna suran si habeysan, iyadoo ujeedadu tahay in la soo
ban-dhigo qodob taabanaya bul-shada, si kalena, Sheekadu waa lakabyo hadaleed
xiriir-san, iyo dhiraan-dhirin lagu jaan-gooyey qaab faneed xiiso
leh, si toos ah-na u taabaneysa qalbiga akh-ristaha/dhegays-taha, taasoo
keeneysa in akh-ristuhu/dhageys-tuhu la jaan-qaado Sheekada bilow ilaa
dhammaad.
ABTIRSIIN-YAHA SHEEKOOYINKA.
Sheekooyinku
waxay ku arooraan, ama qeyb ka yihiin mid ka mid ah faraca BAHAHA
asalka ah ee Suugaanta, sida la og-yahayna SUUGAANTU
waxay u kala bax-daa labo BAHOOD oo asal, kalana ah
ERAY iyo OR, Suugaanta
erayga ahi waxay leedahay farac ka kooban labo, oo kala ah
TIX iyo TIRAAB.
Faraca ka baxa BAHAHA asalka
ah ee SUUGAANTA, isla markaas-na ah kan aynu u dan
leenahay waa TIRAAB-TA, taasoo seeraar
u ah SHEEKOOYINKA, dadka raac-raaca SUUGAANTA Soomaaliduna waxay yiraahdaan Sheekooyinku waa
kuwa ugu saameyn-ta badan TIRAAB-TA, waxay-na
Sheekooyinku in yar ka horeeyaan MAAH-MAAHYADA,
maadaama ay sidaas tahay, waxaynu oran karnaa sheekooyinku waa SUUGAAN magoogasho leh, lana fal-gasha dareenka ruuxiga ah
ee akh-ristaha/dhegeys-taha, sidoo kalena Sheekooyinku waxay isu
tabiyaan si min-guuris ah.
Sheekooyinka waxaa loo aqoonsan-yahay inay yihiin GOB-TA ama LAAN-DHEERKA aan la
laali karin ee TIRAAB-TA, maxaa yeelay sheekooyinku
waxay si ka duwan TIRAABTA kale ugu soogan yihiin saban-saabka nolosha maalmeed
ee bul-shada Soomaaliyeed, waxay-na si laab-qaad ah ugu waaraan qalbiga
akh-ristaha/dhegeys-taha, weliba si soo noq-noqota.
Dhanka kale, Sheekooyinku waxay la olog yihiin
riwaayadaha, waxay-se ku kala duwan yihiin xagga jiritaanka, riwaayaduhu waxay
dhinaca jilitaanka ehel kala yihiinSheekooyinka, waxay-se ku kala gedisan yihiin
labo qodob oo kala ah:-
- Riwaayaduhu waxay qeyb ka yihiin maansada oo ka mida unugyada ka jeexma
qeyb-ta kale ee SUUGAANTA ee ah OR-ta, taasoo ah EREYGII oo lagu
lifaaqey LAXAN ama RHYTHM, Soomaalidii horena waxaa kaalinkaas (
Dabaqaada Laxanka ) u buuxin jirey JAAN
iyo JIIB.
- Riwaayadaha waxaa loo adeegsadaa qaab masrixiyeed, halka SHEEKOOYINKA loo adeegsado qaab qoraal ama tebin
ah.
Waxaynu soo sheegnay in SHEEKOOYINKU isu tebiyaan si minguuris ah,
min-guurisyadanu waxay u kala baxaan MIN-GUURIS DHAB AH, iyo MIN-GUURIS
CURIS AH, sida qof kastaana dareemi karo Min-guuriska dhabta ahi waa mid
qoraagu soo gudbinayo dhacdo dhab ah ( Isaga ha ku dhacdo, ama ha ka soo
min-guursho ruuxii ay ku dhacdee ), tanina inta badan waa ku yar tahay SHEEKOOYINKA Soomaalida, waayo? Dhaqankeena waa ku adag
tahay in ruuxu ogolaado in la soo ban-dhigo dhacdo isaga khuseysa, amaba
isagu-ba uu soo gudbiyo.
Laakiin Min-guuriska curiska ahi sidaas maaha, waana
SHEEKO ka timid dhacdo khiyaali ah, oo ka
yagleelantay tiraabo isa suran oo ka soo maaxdey maanka qoraha, qeyb-tani haddii
ay dhaliil leedahay taasi waa mid u nasab sheeganaysa khiyaalinimadeeda,
halkaas-na ka garo in mar kasta Minguuriskani uu ka heer hooseeyo kan kale ee ah
Min-guuriska dhabta ah, laakiin wuu kaga faa’iido badan yahay bul-shada, oo
wuxuu qoruhu soo ban-dhigaa arrimo caadiyan u jira, una baahan in la
xaliyo.
Waxay kaloo SHEEKOOYINKU ku
kala duwan yihiin qaab qoraalka, si guud waxaa u jira labo qeybood
oo loo kala saaro SHEEKOOYINKA, marka laga eego qaab
qoraalka, waxayna kala yihiin:-
- ISKA HADAL,
qaabkani waa mid sheekada uu qoruhu noqonayo tiir-dhexaadkeeda, isaga ayaana
iska hadlaya, Tusaalle:- Waxaan ku sii jeeday goobteyda shaqada, markii la isoo
gaarsiiiyey khabarka naxdinta leh, ee xambaarsanaa geerida Aabahey, qoraagu
wuxuu sawir ka bixinayaa siday wax u dhaceen, isaga ayaana ah tabiyaha sheekada,
marka waxaan dhihi karnaa qaabkani waa kan ugu wanaagsan xagga fahamka
akh-ristaha, sidoo kalena waa mid aad ugu fudud qoraaga qudhiisa.
- QOF KA
HADAL, kani waa ka duwan yahay qeyb-tii hore, qoraaga ayaana laga
doonayaa inuu soo tebiyo sheekada, isaga oo aan ka mid aheyn inta SHEEKADU khuseyso, Tusaalle:- Axmed wuxuu ku sii jeeday
goobtiisa shaqada, markii la soo gaarsiiyey khabarka uusan mahdin ee
xambaarsanaa geerida Aabihiis.
Sheekooyinka waxaa loo kala saari karaa SHEEKO GUUD, iyo SHEEKO
CARUUREED, waxan sidaa u leeyahay inaan soo kobo, faham-kuna saafi noqdo,
Sheeko caruureeda maahee, inta kale waxay khuseeyaan QAAN-GAARKA, waxay-na ku kala duwan yihiin oo keliya
qodobka gun-dhiga u ah, laakiin sida kale waa isaga mid, marka waa inaan is
raacinaa oo aan siinaa hal-qabsiga ah SHEEKO
GUUD.
Qoraalka taariikhiga ah, kan cilmiga ah, midka xambaarsan
dhacdo bul-shadeed tebineysa dhacdo aan ugub aheyn, intuba waa sheeko, haddii la
siiyo magaca ah SHEEKO GUUD in la asiibay ayay ila
tahay.
Waxa kaloo jira labo nuuc oo loo kala saari karo
sheekooyinka, iyadoo loo eegaayo xagga dhumucda qoraalka, kuwaasina waxay kala
yihiin SHEEKO GAABAN iyo SHEEKO
TAXANE AH.
Sheekadi gaabani badanaa waa ka xiiso iyo xamaasad badan
tahay Sheekada taxanaha ah, maxaa yeelay waa ka urursan tahay nooca kale, waana
ka saameyn badan tahay, waxay kaloo kaga eyni duwan tahay iyadoo badiyaa loo
adeegsado tebinta idaacadaha, taasoo aan badanaa ka suurto-galeyn tan kale ee ah
Sheekada taxanaha ah.
Sheekada Taxanaha ahi, waa mid aan koobneyn, qiyaas-tiina
waxay ka bilaabataa ilaa 100 bog, caadiyana waxaa lagu soo ban-dhigaa BUUG, ama waxaa si xiriir ah loogu daabacaa War-geys,
iyadoo muddooyinkan dambena ay mareegaha bogaga inter-netku ku soo biireen
meelaha laga daalacdo Sheekooyinka Taxanaha ah.
Sheekooyinka guud waxaa ka mid ah, hur-muudna kaga jira
SHEEKOOYINKA JACEYL-KA AH, Sheekada jaceyl-ka ahi waa
noqon kartaa mid gaaban, waana noqon kartaa mid taxane ah, laakiin waxay ka
siman yihiin waxaa ka dhex muuqdo ruux, kaasoo lagu sifeeyo wanaag, wuxuuna mar
kasta bartilmaameed u noqdaa HADIMO iyo LUG-GOOYO kaga timaada qof ama ka badan, kuwaasoo kaga jira
sheekada qeyb-ta xumaanta.
HEYBE IYO JACEYL-KIISII
HUNGOOBAY, waa Sheeko Taxane ah, waxay-na ku ab-tirsataa sheekooyinka
Jaceyl-ka ah, waana KHIYAALI ku kooban oo keliya
curinta qoraha, waase dhici kartaa inay dadka qaarkii u soo joogeen dhacdooyin
la eyni ah ama la misaal ah, taasina waxaa keenaya iyadoo lagu sar-gooyey
waayaha bul-shada Soomaaliyeed, marka qariib maaha inay jiri karaan dad tuhmi
kara inay noqon karto sheeko Hebel iyo Heblaayo ay yaqaanaan ku dhacday, asii la
maldahay, waxana loo aaneyn karaa sida qoruhu u haleelay, how-raar hadaleed-na
uu ugu higaad-shey sawirka nololeed ee bul-shada Soomaaliyeed…..laakiin
Sheekadani waa KHIYAALI.
La soco qeyb-ta 1-aad.
[email protected]