sheekadii HEYBE IYO JACEYLKIISI HUNGOOBEY - (Qeybta 2aad).
Cutubka 1-aad:- SAFARKII SILOONAA.
Qeyb-ta 2aad.
Waayuhu waxay isku bedbedalaan dadka dhexdiisa, haddaad adigu wacan tahay ama wanaagu deris kula yahay, eynigaa ayay ka walaacsan tahay oo walbahaar wehel la ah, taasina waa caadada lagu yaqaan waayaha adduun, waxaad heysato asaagaa ayay weydaaran yihiin, wadaantana u geli la’yihiin, wixii kaa maqana kheyrkaa ayaa walwaalanaya, xusuuso “HADDAAD ADIGU WACAN TAHAY INAAN LIITO MA OGTAHAY”, wax badan ayay nolol naaladeedu wacan tahay u soo joogeen, adduunse negaadi ma leh, noloshiisuna kolba waa heer, doqonise waa moog tahoo, dareen-ba uma ay laha arrinkaas.
Ina Xaaji dhengad duni kale ayuu dhex galay, weligiina isma oran, ama ku fekerin daartii weyneed ee aabihii ku lahaa xaafada Kaasobobolaare ee Degmada Hodan ayaad habeen ka dhixi, maantana isma hayaan oo waxay dantu tustay in uu noqdo dibad-yaal magan ka doonay dal kale oo aan kiisi ahayn, kaaga darane markii ugu horeysay jiritaankiisa ayuu ka wewelay wixii uu cunaha marin lahaa.
Sida harku dharaar qura kolba dhan u maro. ayay nolosha adduun tahay, fal kastana wuxuu u sameysan yahay isu dhigan, ama arrimo is diidan oo iska soo hor jeeda, farxadu waxay dib u jaleecaysaa murugo,taas oo ah fal ku liqdaaran iyada, mar walbana abuuraya xaalad madow oo uu ku bedelo dareenka lagu yaqaan farxada ee loo bogo, jaceylka waxaa beegsanaya naceyb, doonaya in uu baraaraha lagu yaqaan kalgacalka baro bixiyo, booskiisana ku buuxiyo hagar daamada iyo xasadnimada lagu yaqaan neceybka oo ah fal aan ku fiicneyn farsamada nolosha, hodontinimadana waxay ka harsan la’dahay faqri, u hanqal taagaya in uu haadaan ku rido wanaaga hareeya kuwo liibaanta adduun ay u hiilisay, halka aqoontu ka ledi la’dahay jahli u fara jaawinaya in uu jabad ku tuuro jowharada iyo jaaha nuurka leh ee aqoontu ku baahiso dadka dhexdiisa.
Heybe wuxuu duni joogaba, haatan ayuu garowsaday micnaha ka dambeeya isbedelka waayaha, waxaana u soo martiyay muuqaal kale oo ay leedahay noloshu, taasoo isaga ka dahsooneyd imminka ka hor, nolol maalmeedka u bilowdayna wuu ku miirmay, oo muddo kooban ayuu ku lumiyay miisaan aan yareyn.
Madluunimada soo wajahday heybe waxaa miciin iyo gar-gaarba uga noqday Hire iyo siciid, oo ahaa kuwo uu illaah ku maneystay miisaan dadnimo oo ay kaga duwanaayeen isaga, muuqaalka jireed waa laga siman yahay, laakiin waxaa lagu kala gedisan yahay milgaha qofnimo oo ah micnaha dhabta ah ee ruuxu leeyahay kuna qarsoon oogadiisa.
Taageeradii uu ka helay walaalihii la socday ayuu wiilkii Xaaji Dhengad kaga soo kabtay kadeedkii uu kala kulmay nolosha kahashada leh ee qaxootinimada, wuxuuna go’aan ku gaaray in uu kelyo adeyg ku qaabilo isbedelka nolosha, ilaa uu gaaray heer uu si kalsooni leh ula karaar qaaday keynaanka waayaha ee kaabiga isku haya.
Garaad la isku biiriyo ayaa laga fishaa baraare iyo horumar, iskaashi iyo dadnimo ayay muujiyeen dhalintii daruufuhu badeen inay dalanbaabi ku tegaan dal aysan maqal mooyee indho ku diirin, iyadoo uu halkiisii ka sii socday dagaalkii galaaftay dowladnimadii iyo nafta dad badan oo Soomaaliyeed, dadaal kadibna dhalintii waxaa u suurto gashay inay un-kaan ganacsi heer hoose ah oo ay ka bilaabeen Mombasa-dii ay qaxootiga ku ahaayeen.
Si doqon ma garatay ah ayuuna ganacsigoodii isu soo taray, taasoo ka caawisay inay ka soo doogtaan diiftii iyo diihaalkii qaxu baday, waxayna noqdeen dad isku filan nolol maalmeedkoodana debarta, cawadood iyo ayaankood-na kama mid noqon Soomaaliada isu diiwaan-gelisay qaxootinimada ee ku noolaa xeradii caan baxdey ee Utanga.
La soco qeyb-ta xigta.
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar Maxamed.
[email protected]=
Add New Comment
|
|
|