Cutubka
2-aad:- HAL-XIRAALIHII HAMIGA.
Qeyb-ta
7aad.
Heybe
wuxuu u muuqday ruux sirtiisi la kashifay, intii aanu hadlina
dareenkiisa ayaa sawir guud ka bixiyay waxa saabkiisa ka buuxa,
isagoon is hubin ayuu su’aashii Siciid kaga jawaabay sidan
meer-meerka ah:-
“Eeeen
…. Waa runtaa dad wax kala qarsada maahin, qof ahaana ma tihid
ruuxii aan wax ka qarsan lahaa, waxaad-se moodaa in aad deg-degayso,
ood ka hor dhacayso xaalado aan imaan, marka u kaadi arrimuhu maaha
sidaad moodeyso.”
Isagoo
u sii holanaya in uu hadalka sii wato ayaa waxaa la hor dhigay su’aal
kaloo u dhignayd sidan:-
“ Hadda
ma waxaad i leedahay xageyga wax ku soo siyaaday ma jiraan?.”
Badiyaa
waxaa dhacda in uu qofku tuhmo in dadka kale og-yihiin waxa
qalbigiisa suran, Heybe-na waxay la noqotay in ina abtigii la socdo
amuuraha ku qufulan laabtiisa, in cabaar ah-na wuxuu raadinaayay
wixii uu kaga jawaabi lahaa su’aasha sirgaxan ee uu Siciid
weydiiyay, isagoo aan weli helin jawaabtii uu siin lahaa ayuu Siciid
ugu sii daray:-
Siciid:-
Ma xusuusataa in aan horey kuu weydiiyay waxa si kaa ah ayaamihii ugu
dambeeyay, mise ilowsan tahay in aan la socday sida ay dareenkaaga u
saaqday gabadhii ka mid ka ahayd kuwii dan la’aanta dalaq noogu soo
yiri, walaal ha is dabaalinine warka daboolka ka qaad aan siday tahay
kuula taliyee.
Heybe
mooskii baa ku ciirey, wuxuuna soo xusuustay hal-hays caruurtu dhihi
jirtay kolkii qof lagu qabto wax uu qarinaayo ( TUUG LA QABTAY TALO
MA LEH ), waxay-na la noqotay in uusan ka meer-meerin runta ee uu u
taabto walaalkii, wuxuuna u daah furey waxa jira iyo sida ay
hankiisa ugu habsatay gabadha uu isaguba ka dhawaajiyay.
Siciid
iyo Heybe waxay isla qaadaa dhigeen qorshahani in uu ka mid yahay
qorshayaasha aas-aaska u ah nolosha, iyagoo isla qiray in naf walbaa
u baahan tahay mid kale oo ay isla qeybsadaan nolosha iyo waayaheeda,
waxayse ku kala aragti duwanaadeen sida loo qaabilayo, waayo Siciid
wuxuu qabaa in aan la iska qaadan waxa ay naftu rabto ee laga
fiirsado, wuxuuna ku yiri Heybe:-
Siciid:-
Walaal waxaad ogaataa jaceylku wuu jiraa, deg-deg iyo ka badbadin-se
wax kuma laha oo waa looga fiican yahay, sidoo kalena dumarka la isma
raaciyo, dadkii horena waxay oran jireen NAAG NIYADAADA BAR BAA
LA SIIYAA, adigana waxaa iiga kaa muuqato gabar aad dharaar qura
aragtay inaad laabtaada u hibeynayso, taas-na kuguma raacsani oo ka
fiirso ayaan ku leeyahay.
Heybe
hadaladaasi uguma muuqan kuwo dow ah, qof ahaana kuma qancin aragtida
Siciid, sidoo kalena uma riyaaqin xigashadiisa xiriirka la leh dadkii
hore, oo wuxuu aamin-san yahay in jiilka cusubi dhanka nolosha iyo
wada qeybsiga waayaha ay kaga wanaagsan yihiin da’dii hore, dhib-na
uluma muuqato in uu qalbigiisa oo dhan ku wareejiyo gabadhii uu ka
helo ee uu janto.
La
soco qeyb-ta xigta.
Hal-abuurkii:-
C/naasir
Dalmar Maxamed.
[email protected]=