Sheekadii HEYBE  IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY. 
  
Cutubka 3-aad:- Labo kala baridey kala war la’. 
Qeyb-ta 8aad. 
  
Waxaa
 lagu tilmaami karaa Siciid in uu yahay qunyar socod aan si halhaleel ah
 ula qabsan dhaqamada kor kaxaaxiska ah ee ay qaar badan oo dhalinta 
maanta ahi qaayibeen, iyagoo meel iskaga xooray sooyaalkii dhaqameed ee 
ummaddu isku gudbin jirtay, isaga Siciiid ahina uma jeelana in uu kedis u
 calmado mida uu la qeybsanaayo aayatiinka nololeed, waana taas halka ay
 isaga iyo Heybe ku kala duwan yihiin, aan-se u deyno in qofba tiisu la 
qurux badan tahay, maahmaah horaa laga soo xigtay “NIN-BA QUMANIHIISAA 
QOORTA LOO SUREY.” 
Haddiiba
 uu u qeexay aragtidiisa, dhegahana ugu dhibciyay in ay haboon tahay in 
uu kaadsado, uuna xusuusto sidii hore-ba loogu hadaaqey “HADDII DEG-DEGU
 DOOR DHALO, KAAD-SHIIYUHUNA KIISH LACAGEY DHALAAN”, hadduu Heybe 
yahay-na aanu kado ku qaabilin arrinta ku soo korortay iyo hamuunta u 
heysa muuqaal uu maalin keliya dheehday, Siciid dan buu uga baxay, 
wuxuuna isku daayay waqtiga rahman iyo wixii ribix ah ee uu Heybo ka 
helo. 
Mar
 kale haddii aan milicsano keyd-ka murtida xaalka Heybe wuxuu la meel 
yahay halkii laga yiri “NIN MEELI U CADDAHAY MEELI KA MADOW, wax kastoo 
loo sheego uma dhug laha, dhankiisa dhool baa u hilaacay, balag baa loo 
lulay, naftuna waxay u jiideysaa gabadhii uu haraadka gayaan kula dul 
gowriirsaday gelin qura oo uu ku arkay gudaha dukaankooda. 
Si
 aan la qiyaasi Karin oo qoto dheer ayay qudhiisu qamaam ugu tahay 
iyadaas, wuxuuna si kal iyo laab ah ugu koorseynayaa sidii uu u kasban 
lahaa gabadhaas laabtu u lulmaneyso sidii LEBI dabeyli had-ba gees u 
liicineyso, isagoo dhanka kalena farxad dareemaya haddiiba uu ka haray 
wasiisigii ayaamahan hayay, ee uu u magac bixin waayay. 
Hubaal
 weeye in uu Heybe jaceyl haleelay, wuxuu curin ku raadinayaa howraartii
 uu ku soo hori lahaa tan uu u hayo jaceyl dhankiisa ka hirgalay, aan-se
 la isku halayn Karin in haye iyo jawaab hamiga u roon laga helo 
xaggeeda, caku jaceyl dhinac keliya ku hambariirsaday, iyo naf u 
hawaawiran ruux mooge ka ah rabitaanka heegada u suran ee hedeeda 
luraaya laxowgana kugu hafeefinaya. 
Mida
 uu Heybe u kan-sho hayo oo ay waalidkii dhalay ugu halqabsadeen 
Haweeya, wey ka baraad la’dahay howsha isaga karkabada ku heysa,  kalif 
la’aan bay kifaaxeysaa, isagana kurbadeeda ayuu u kadeedan yahay, “MA 
KASEYNININ JACEYL KULEYL-KIISE, KEDISUU IGU SOO GALAY”, ayuu niyada iska
 yiraahdaa, laakiin yaa u og,  waa duni iyo caadadeed, LABO KALA BARIDAY
 KALA WAR LA’ ayuu xaalkoodu ku biyo shubanayaa. 
Mid
 baase hubaal ka ah dhankeeda, waana inay tahay mid gayaankeeda sugeysa,
 nasiibkana gorofka u sidata, mid kalese hubaal looma hayo taas oo ah 
inay tahay Haween, lagana yaabo inay dardaarankii CARAWEELO deegta ku 
sidato, oo ay ku laado Heybe xumada uu la lelabayo ee lurka ku heysa, 
haba ka hesho haddii ay doontee. 
Shidada
 ugu daranise waxay tahay sidee buu ku helaa Haweeya si uu ugu higaadiyo
 sida haqab la’aanta ah ee uu ugu heelan yahay dhankeeda, ma hayo 
tilmaan hagaagsan ee uu ku heli karo hoyga ay ku nooshahay iyo halka ay 
ku hirato, dani waa seetee wuxuu ku qasban yahay in uu sugo dharaar ay 
timaado dukaanka sidii hore u dhacday, ama uu si kedis iyo lama filaan 
ah uu ula kulmo iyadoo meelaha xan-shaasheysa. 
Dhanka
 kalena Siciid wuxuu si la yaab ku dheehan yahay dhaayaha ugu hayaa 
Heybe, isagoo dhabanada la heysta hab dhaqankiisa, kaasoo qof ahaan 
isaga ula muuqda in uu yahay nin naftiisa dhib u abuuraya, kuna 
jahwareerinaaya wax aan jirin oo ay tahay in aan la isku howlin inta ay 
waayuhu fursad kuu siinayaan, labadoodu sida ay u kala fikrad duwan 
yihiina waa mid caadi u ah aadanaha. 
Aadmigu
 waa kala maan, qof wuxuu jecel yahay ayuu qof kale ka qaawisaa iskana 
fogeeyaa, iyadoo arrin wanaag ula muuqata ruux, ay dhici karto inuu ruux
 kalena u arko wax hooseeya oo iska liita, WAXAAD CEEBTA U TAQAAN QOF 
BAY CAMALKIISA TAHAY, fanaankii mirahaas maskaxdiisa ka maalay mala’waal
 kuma hadlinee runtuu noo micneeyay. 
Hal-abuurkii:- 
C/naasir Dalmar Maxamed. 
[email protected]=