Cutubka 4-aad:-
Kala maan.
Qeyb-ta 13aad
In cambaar ah
markii uu Hooyo Libin si ay fahmi karto uga dhaadhiciyay sida ay u
kala duwan yihiin dhaqamada ay ku hano-qaadeen iyada iyo gabadheeda,
ayuu haddana wuxuu sawir ka siiyay inay dhalinta maantay aad ugu
jeelan yihiin, jaceyl xad dhaaf ah-na u hayaan dhoofka dibadeed,
halka ay jiilashii hore ahaayeen kuwo aan dalkooda meel-na ku
doorsanayn oo jecel, wuxuuna ku yiri:-
= Eedo waxaan u
malaynayaa inay Nafiso u hiyi kacsan tahay dibad iyo dhoof, sida aan
ku arkay da’ yarta maanta, waad-na ogaan doontaaye taas un baa
sabab u ah inay ku dhaqaaqdo wax aadan la ogeyn, kuna adkeysato ,
laakiin ma filayo inay ka tahay waalid caasinimo=.
Hadaladiisu way
dejiyeen Hooyo Libin, sida uu wax ugu sheegay iyo uur nugeylka
waalidnimo ayaa isku kaashaday kana saaray caradii ay u heysay
gabadheeda, is-na wuxuu u muuqday nin helay furihii uu ku furdaamin
lahaa xaalada, isagoo u jeestay dhankii Nafiso, si uu iyadana
markeeda wax uga dhaadhiciyo, una taabsiiyo khaladkeeda.
Kulankii uu Siciid
la qaatay Nafiso wuu ka duwanaa wada sheekeysigii uu la yeeshay Hooyo
Libin, waxayna labadoodu u wada hadleen si dhalinyarinimo ku dheehan
tahay, waxaana dhex marey labadooda doodan:-
Siciid:- Abaayo
adiga oo aan I dhibsan bal iiga sheekee waxa ay Hooyo kaaga carootay
ee ka keenay kuleylka.
Nafiso:- Walaalow
waad ogtahay waxaa si waalan u socda qaaditaanka qoysas loo qaadayo
Mareykanka, anoo og in reerkeenu how-shaas ku jirin ayaan ka war
helay reer ka mid ah deriska oo aan isku wanaagsanahay inay heleen
tiro ka badan inta ay ka kooban yihiin oo uu soo dalbaday wiil ay
dhaleen oo halkaas ku maqan, waxaan ka codsaday inay igu daraan
tirada dheeraadka ka ah iyaga, welibana isxaan iyo aqoon ayay iiga
dhaafeen lacag ay dadka ka qaadayeen, waxaanan u sheegay ilaa howshu
dhammaato inaysan u sheegin reerkeena, waana iga yeeleen, aniga
ayaana daboolka ka qaaday markii aan ogaaday in loo wada guurayo
Nairobi, arrintu sidaa ayay ku bilaabatay mana doonayo inay fursadani
I dhaafto oo aan ka haro reerkan.
Siciid:- Si aad ah
ayaan kuu fahmay, waxaana dhankaaga kaa saameeyay dibad jaceylka
taabtay dhalinteena maanta, laakiin waxaa la rabay inaad si degan oo
qadarini ku jirto wax ugu sheegto waalidka, ama aad nala soo
socodsiiso annaga si aan Hooyo uga dhaadhicino sida wax u jiraan iyo
doonistaada, balse sidaa ma yeelin waxaana kuu muuqday rabitaankaada
markaasaad Hooyadii ku soo barbaarisay ka hor timid oo ka careysiisay
taasna looma baahneyn ee sidaa ma u ogtahay?.
Nafiso:- Wallaahi
aboowow igama ahayn inaan Hooyo ka hor imaado ama aan noqdo waalid
caasi, waxase iga tan badiyay buufiska halkaan ka bilowday iyo dhoof
jaceylka caadiga ka noqday meeshaan, maxaa yeelay dad badan oo aan
aqaano ayaa loo qaaday Mareykanka qaar kalena waa sugayaan, marka
haddiiba aan helay fursad aan kaga daba tago gab-dhihii aan ku
saaxiibnay Mombasa waxaan u arkay hoodo iyo ayaan ii soo hoyday,
taas-na waa isla fahmi weynay Hooyo, ee wax kale ma jiraan.
Siciid:- Anigu waan
garan karaa arrinta oo dhan, waxaad-se ilowday waalidku inaysan nagu
dareen ahayn, oo aan kala waqti duwanahay, hadda waxaad qarka u
saaran tahay in uu meel gaari waayo dadaalkii aad u gashay arrintan,
maxaa yeelay Hooyadaa uu ku careysan sow ma ogid inaysan wax-ba kuu
kala soconeyn, arrin kasta oo aad ku dhaqaaqdana ay ku dhammaanayso
fashil iyo guul daro, ma habooneyn inaad waalidka ka hor timaadid,
inaad u seex-seexato iyo sabaaab-sab ayaa wax looga dhammeystaa
dhankooda, Hooyooyinkuna kuma sii jiraan oo waa ka beer jilicsan
yihiin Aabayaasha, hadda iyo dan waxaa lagaa doonayaa inaad Hooyo
raali geliso oo ka qanciso caradii ay kaa qaaday, waxaanan hubaa
inaan dhankeeda wax-ba kugu dhaafeyn.
Hal-abuurkii:-
C/naasir Dalmar
Maxamed.
[email protected]=