Maxaa ka ogtahay dhibaatooyinka kasoo gaara yarada hablaha kasoo jeeda dalka Indiya.


Priyana waxa ee aheed gabar ka
dhalatay reer faqiir ah, gabadhaan ayaa reerkeeda aad u jeclaa, marki  ee dhameesatay  jaamcada dhaqaalaha, ayaa reerkeeda waxa ee udooneen wiil, si ee ugu daraan, inanka loo doonay reerkooda ayaa weediistay yarad aad ufara badan, waxeena kasii codsadeen in ee ku bixiyaan yarada waqti aan dheereen, reerka wiilka soo doontay ayaa aqbaleen in yarad ee ku bixiyaan si dhaqsi ah, ayagoo ku tashanaya Priyana walaal keed oo jira wadan imaaraatka kana shaqeesta, in uu bixiyo qeyb yarada ka mid ah, qeybta kalena lagu bixiyo lacagtii loo keedin jiray intii ee yareed si yaradeeda marki ee weenaato loogu bixiyo, waxaa leesla meel dhigan in arooska la dadajiyo, reerka gabadha ayaa bixiyay yarada inteeda badan si arooska loogu diyaariyo, waxa bilaabatay qaban qaabadii arooska, waxa la dhigay xafladii arooska iyo xafladii meherka oo isku jira, xafladaha arooska iyo meherkaba waxa kasoo qeeb galay dad fara badan, arooskiina halkaa aya lagu geeyay guriga wiilka.
Aroosada waxa ubiloowday nolol cusub oo ka gadisan tii hore ee ku jirtay, waxeena kusoo biirtay famil ka mudan xishood iyo xushmad.
waxaa biloowday in uu soo diro aroosada walaalkeed lacag si bil kasta qeeb yarada ka mid ah loo bixiyo,  nasiib daro Priyana walaalkeed ayaa ku timid geeri lama filaan ah, mana jirto reerkoowda qof kale oo ka mid ah oo u maqan si uu usii dhameestiro yarada inta ka dhiman.
Reerka ee ku harsaneed yarada ayaa waxee guda galeen in ee ka walbahaaraan gabadhooda mustaqbalkeeda madoowga soo galay, familkii kale oo gabadha la xididay ayaa maqleen in geeri ku timid seedigood, waxeena guda galeen in ee u qadaan cadaawad xad dhaaf ah, maxaa yeelay halkii ee ka sugaayeen in uu aga curto gu' ayaa xagaa aga yimid.Priyana ayaa waxee laheed uur 8 bilood ah, waxeena ku jirtay qolkeeda u qaaska ah, waxaana si lama filaan ah ugu soo gashay sodohdeed oo aad u careesan, durbadiiba waxee ku seertay bansiin waxeena ugu dartay taraq, gabadhii uurka laheed aya isla oloshay una soo carartay banaanka aqalkooda si ee gar gaar deg deg ah u
femme en feu.jpg hesho, waxeena ku qeelineesay " ibadbadiya ibadbaadiya", waxaa kusoo xoomay dariskeeda, waxeena ku rusheeyeen biyo inkastoo aad ee ugubatay,dhibanaha ayaa waxaa loola cararay Cisbitaal udhawaa xaafadooda, kolkee Cisbitaalka gaartay ayaa la geeyay qeebta gargaarka qaaska ah, dadkii oo dhan aya is weydiiyay waxa loo gubay gabdhaan uurka leh,  waxaana ugu danbeentii la ogaaday, in familkeeda ee soo dhameestiri waayeen yarada ku dhinneed,
Labo ma
alin kadib Priyaano iyo cunigeeda caloosha ku jiray ayaa nafsadoodii meesha ku waayay,  waxeena ka mid noqdeen kumanaanka u dhimata yarad daraadeed sanad kasta dalka Indiya
Sheekadaan xanuunka badan oo ku dhacday gabadhaan dhibanaha ah, ayaa waxee murug aad u weyn ku abuurtay hablaha Indiya, ayagoo looga arko bulshadooda dhaxdooda in ee yihiin hanti ee ku xisaabtamaan ragga reer Indiya.
Dhaqankaan ee haastaan ragga Indiya ayaanan aheen mid hadda biloowday, hase yeeshee waa dhaqan soo jireen ah aanan lagu badali karin marnaba si fudud,had iyo jeerba hablaha kasoo jeeda dabaqada hoose haddii ee u baahdaan in ee guursadaan wiil kasoo jeeda dabaqada  sare waa in ee bixiyaan yarad aad ubadan si ee aga mid noqdaan reeraha dabaqada sare kasooo jeeda.
dadka Hinduuga ah ayaa ku andacooda waxan in ee yihiin wax ku saleesan dhaqankooda iyo diinta ee heestaan ee na ku qoran tahay qoraaladii aabayaashood ee ka dhaxleen.
ururada udooda xuquuqda haweenka adduunka ayaa marar badan  isku dayay  in ee dadka ka  wacyi galiyaan arintaan dhibka ku haaysa hablaha Indiya, hase yeeshee wax uma tarin wacyi galinta ee sameeyeen iyada oo caqabad ku noqotay in uu yahay waxan wax dhaqan ah.
wixii talo iyo tusaalo ah iigu soo dira iimeelkayga oo ah




[email protected]

 

Fursad  gaar u ah aqristayaasha www.silgor.com
Aqristow,  haddii aad jeceshahay in aad ka qayb qaadatid wax ku qorista websaytkani,  fursadani dahabiga ah ka faa'ideyso ee noosoo qor waxa kaa dhex guuxayo oo wanaag ah annagaa kaa gaarsiin doono aqristayaasheena.
 Qoralkaagu noogu soo haggaaji cinwaankeena  ah:

 [email protected]



 


Add New Comment