Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY (Qeyb-ta 10aad)
Sheekadii HEYBE IYO JECEYL-KIISII HUNGOOBEY.
Cutubka 3-aad:- Labo kala baridey kala war la’. Qeyb-ta 10aad.
Xaalada
ku soo deriday ee ku dul habsatay Heybe waxay dhiniciisa culeys kaga
noqotay Siciid, waayo wuxuu waayay kaalinkii kaga aadanaa howlaha
dukaanka, ileyn wuxuu la ciirayaa oo curuqyada jirkiisa cadaadinaya
muhashada aan caadiga ahayn ee uu hayo tii ay calmashadu calanka u dul
surtay, waxaana si cufan oo culeyskeeda leh uu ula calool-yoobayaa xiiso
cilinaad ah oo uu iyada u hayo, taasina maaha mid uu kula calool
fiyoobaanayo Siciid oo wuxuu haaraamayaa maalin baastii ay dukaanka soo
booqatay. Heybe dukaanka wuu dhex joogaa mooyee maan-kiisu meelo aan
la tilmaami karin ayuu miranayaa, inta badan wuu maah- san yahay oo waa
maqane jooge, muuqiisaa meesha mutuxan mooyee waa maqan yahay, waxaa
dhacda in uu marar badan dadka beec doonka ah siin waayo jawaab, keliya
indhaha ayuu ka mirig-mirig siinayaa. MAR BAAN SIDA MA YEERAAN MUDDO
AAMUSAAYOO ISHA MIRIG KA SIIYAA, ayuu xaalkiisu la meel moqday,
arrimuhu way isku milqi lahaayeen haddii aanu jirin ruux saddexaad oo
shaqaale ah, muddo-na dukaanka joogay, Siciid-na waxay taasi u noqotay
fursad ka furdaamisa fahmad la’aanta heysata Heybe. Dhanka kalena
waxaa Nairobi soo gaaray dano-na ka soo yeeshay Hire, intii uu joogey-na
dhankiisa ayuu how-sha ka cabay, waana la taabsiiyay in Heybe la saaqey
oo ay sun jaceyl laabta kaga sidkan tahay, qudhiisu wuu dareemay wuuna
daalacday xaalada deriska la noqotay, ku lug yeelashadii beeca
dukaankana uguma darin isaga ( Hire ) ee waxay u noqotay fursad uu si
weyn ugu fahmay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee meesha ka socda, waxuuna ku
hamiyay in uu halkan u soo wareego reerkana soo raro, oo
lagu soo idlaado Islii iyo Nairobi. Mararka saanta dadku ka yaraato
dukaanka, sheekada furan ee lagu maad-sado waxay noqotay arrimada heysa
Heybe, isna wuu ku istareexaa maxaa yeelay wuxuu u arkayay mashquulintu
inay ka yareynayso mahadhada ku maax dilaacda mar kasta oo uu soo
xusuusto mida makaabsatay ee minanka ku yeelatay maankiisa, xaalkii oo
sidaa ah-na maalmo badan ayaa sidaa lagu mooday, waqtiguna geedigiisi
ayuu isaga jirey. Shalay iyo maanta isku mid maaha, maalmuhuna waa
kala duwan yihiin, ayaamuhu-na waxaysan isaga mid ahayn dhacdooyinka ay
sidaan, ee ay wal-waalayaan, marar hore waxaa jirtay in uu Heybe la
anfariiri jirey haddii uu arko qof la leeyahay waa la gaaray oo caashaq
baa gaaday, haddase isagii ayaa la hayaa oo la haleelay, weliba howl u
gooni ah ayaa hoodi soo tiri, kalgacal keli kugu kooban waa adduun kugu
kadleeyay, reer Banaadirigu waxay markan oo kale ka yiraahdeen KELIGAA
WAX JECLOOW WAREER WAAYE, been-na maahoo waa
taas Heybe la harsan la’yahay, hoyaad-na uga tegay jaceyl keli ku ah oo
aan lala habeynayn, haddii loo ogaan lahaa hiirtaanyada haatan heysa ma
heyseen ee wuxuu ka hirqan lahaa dhinaciisa wanaagsan, haddii lagu
diidana si un buu ka yeeli lahaa. Naf iyo damac maxay dadka
debin-daabyo ku hayaan, Heybe naftu waxay u doortay gabar doonistiisa
moog, damacuna sidoo kale ayuu diirada u saaray naf derbi kaga aadan
yahay rabitaankiisa, waxoo dhan waxaa isku fuuqsaday dookha dunta ugu
xirey mid uu jaaheeda dharaar keliya daalacday, yaabka yaabkiis iyo lama
arag maahoo!!!!. Inkasta oo aadanuhu kahsado wixii ka raaga,
haddana waqtigu wuu imaan kadoba ha ku yimaadee, mana dheere maalmaha is
riixiyaa inay kuula yimaadaan arrin aad muddo sugeysay kuguna
dheeraatay, waayuhu waxay is guraan, guhaada kalgacalkuna qalbiga Heybe
ay gal-gelin ka samaysatay, waxaa la gaaray ammintuna gaadada saartay
xilli xaggiisa gob ka ah, si weyna uu u dhereraayay, haddii
arrimuhu isu muujin lahaayeen si hor-dhac ah, dadka qaarkii waxaa laga
yaabaa inay farxadu ku noqoto naxdin oo ayba ku walaacaan helitaanka
wixii ay sugayeen halkii ay kaga farxi lahaayeen, xusuuso FARXADI WAA
NAXDIN. Sidii u caadada ahayd ayuu Heybe soo aaday dukaankooda,
wuxuuna weli la tiicayaa tacadiga jaceyl ee laabtiisa taalada ka
samaystay, haddiise uu ogyahay inay maanta ka duwan tahay maalmaha kale
oo ay waayuhu dhankiisa u soo galbinayaan fursad isaga reyn reyn iyo
riyaaq u ah lama saadaalin kareen dareenkiisu sidii uu noqon lahaa,
lamana qiyaasi kareen farxadiisu heerka ay gaari lahayd, yaase kuu
sheegaya waxa ku soo aadan eed kala kulmayso waqtiga, waa cid-na.
La soco qeyb-ta xigta.
Hal-abuurkii:- C/naasir Dalmar Maxamed. [email protected]=
Add New Comment
|
|
|