farrin leysu mariyey taleefoonka gacanta oo dhalisay xukun 3 bilood oo xariga ah

Fariin qoraaleed oo ka sheekeenaysa galmo taasoo ay isku direen labo qof oo u dhashay dalka India ayaa dhalisay in lagu xukumo seddax bilood oo xarig ah, fariintaan ayaa waxay iskugu direen moobeelada gacanta laga isticmaalo.
Xaakimka ku fuliyay xukunka ku dhacay labadaan qof ee reer India ayaa waxa uu yiri "waxay qorsheenayeen denbi" taas oo sharci daro ka ah wadankani .
Labadaan qofood oo magacooda la qariyay ayaa da'dooda lagu kala sheegay 47 jir iyo 42 jir kuwaas oo ka shaqeen jiray shirkad duulimaad oo laga leeyahay Khaliijka.
Arintaan ayaa soo shaac baxday sanadii hore kadib markii naagta reer India ee ay ka codsatay furiin ninkeeda oo la noolaa muddo aad u yar.
Ninka qabay gabadhaani oo reer India ah ayaa aad aga shakisanaa, markastana waxa uu baari jiray moobeelkeeda gacanta gaar ahaan qeebta fariimaha, baaritaan badan kadib aya waxa uu helay Ninkaani aadka u maseersanaa fariimo xun xun oo xaaskisa loo soo diray kuwaas ayuuna maxakamada geeyay, si uu u cadeeyo xaaskiisa in ay saaxiib hoosaad la tahay nin kale.
Inkastoo markii hore labadooduba lagu xukumay 6 bilood oo xariga ah, hadana waxay ka qaateen abiil kaasoo ka yareeyay mudada xariga, fursadna u siiyay in ee kusii noolaan karaan wadanka.
Maxkamada ayaa sheegtay in ay heynin caddeen ku filan oo ku xukmi karto gabadhaan in ay xiriir la laheed nin kale aanan aheen ninkeeda, Maxkamada ayaa kusii dartay kaliya in ay cadeen u hayaan in gabadhaan loosoo diri jiray fariin anshaxa ka dhan ah taas oo ay isku diri jireen ninka lala xukumay.
Kiiskaan aya waxa uu noqday mid ka mid ah kiisaskii ugu danbeeyay ee lagu helo dadka ajaanibta ah ee ku nool dalalka Khaliijka.
Usbuuci lasoo dhaafay ayaa lagu xukumay lamaano Birish ah hal bil oo xarig ah kadib markii ee isku shumiyeen hoteel cunto ee wax ka cunayeen
Wixii talo iyo tusaalo ah iigu soo dira iimeelkayga oo ah

[email protected]


Fursad  gaar u ah aqristayaasha www.silgor.com
Aqristow,  haddii aad jeceshahay in aad ka qayb qaadatid wax ku qorista websaytkani,  fursadani dahabiga ah ka faa'ideyso ee noosoo qor waxa kaa dhex guuxayo oo wanaag ah annagaa kaa gaarsiin doono aqristayaasheena.
 Qoralkaagu noogu soo haggaaji cinwaankeena  ah:
 [email protected]


Add New Comment