waa maxay jaceel ?

Jaceelka waa wax laamo badan sida geedka oo kale, kumana koobna rabitaanka lab iyo dhedig oo kaliya , wuxuuna ku yimaadaa siyaabo kala duwan, waana mid tilmaamo dareen dhab ah oo ka yimaada qalbiga aadamiga , dad kastana waxay ku tilmaamaan  ama ay wax aga sheegaan afkooda ugaarka ah.
Siyaabaha kala duwan oo ku yimaado ayaa waxaa ka mid ah, jaceel u dhaxeeya wiil iyo waalid ama mid udhaxeeya laamaano isjecel, mid ku saleesan diin , difaaca dalkaaga , jaceelka aad jeceshahay Allaah iyo rasuulkiisa(scw), mid udhaxeeya saaxiibo isjecel iyo jaceelka aad jeceshahay hantida iyo adduunyada.
Aqristoow iyadoo halkaan lagu soo koobi karin wax kasto uu ku yimaado ayaa waxaa iswaydiin mudan su’aasha ah waa maxay jaceel?
Inkastoo ee tahay mid ka mid ah su’aalaha ugu dhibka badan ee lawaydiiyo dadka wax ka qora arimaha jaceelka haddana waxaa moodaa in ee aad ubadan yihiin jawaabaha ee ka bixiyaan.
Hadii aan udhaadhaco su’aashi aheed waa maxay jaceel?. 
Jawaabihi laga bixiyay iyadoo aad ubadan yihiin, ayaa haddana waxaa jecelahay in aan kasoo qaato kuwa ugu muhiimsan waxaana ka mid ah.
1: jaceelka waa dulqaad.
2: jaceelka waa naxariis.
3: jaceelka waa dareen aragti ku yimaada qalbigana u gudba.
4: jaceelka waa macaan anba waa qaraar kolba waa siduu kuu soo maree.
5: jaceelka waa geed leesla beero kalsoonina lagu waraabiyo.
Dhib malaha sida aad uqeexdo jacaylka ama aad udareentid , hasa yeeshee waa wax soo jireen ah oo la socda jiritaanka aadamiga ama taariikhdiisa, mana aha jacayku  mid la cabiri karo inta uu la’egyahay.
Erayga jaceel la dhoho wuxuu ka dhax dhici karaa laba qof iyo wixii ka badan, wuxuuna kor uqaadaa xiriirka udhaxeeya aadamiga.
Ma aha jaceelka wax ku kooban maalmo qura ama ku siman in aad afka ka dhahdo waa ku jeclahay oo kaliya, laakin waa wax leeska garto, maxaa yeelay horaa loo dhahay ruuxii uurka kaa jecel wajiga waad ka garataa arxankiyo eegidda xishoodka leh waa lagu yaqaanaa.
Had iyo jeerba dadka isjecel jaceyk lammaane.jpgwaa kuwa si wada jir ah uwada qeebsada farxadda, murugada, caafimaadka, xanuunka iyo waxkasto oo soo wajaha noloshooda
Ugu danbeentii aqristoow waxaa kugula talin lahaa in aad iska ilaaliso waligaa qayaano jaceel, ama qof ku jecel aad ku ciyaarto adigoo u arka in uu yahay jaceelka wax aan jirin oo leeska yeelyeelo mana aha wax leeska yeeli karo waa wax jira oo marnaba la dhayalsan karin,  intaa kadib waxaa maqaalkayga kusoo afmeerayaa magafe waa Alle gafana waa bini’aadam haddii aad ku aragtaan wax qalad ah maqaalkaan waxaan  idinka codsanayaa in aad ka raali noqotaan wixii tallo iyo tusaalo ahna aad iigu soo dirtaan iimeelkayga oo ah
[email protected]

waxaa soo diyaariyay 

Mr. Abdi Hassan


Fursad  gaar u ah aqristayaasha www.silgor.com

Aqriste haddii aad jeceshahay in aad ka qayb qaadatid wax ku qorista websaytkani,  fursadani dahabiga ah ka faa'ideyso ee noosoo qor waxa kaa dhex guuxayo oo wanaag ah annagaa kaa gaarsiin doono.

 Qoralkaaguna noogu soo haggaaji cinwaankeena  ah:
 [email protected]


Add New Comment