maxaa keena furiinka ?

Dhawaanahan oo aad u tira batay furiinka ayaa waxaa leys waydiinaya su'aasha ah maxaa keenay furiinka?
Inkastoo su'ashani uu aga jawaabayo qof kasta si, ayaa haddana lagu kal duwan yahay waxa keena furiinka
marki si fiican u eegto nolosha bini'aadamka waxa ugu muhiimsan waa guurka sidaas daraadeed ayaa dadka badankiis u arkaan furiinka in ay tahay guuldaro ku timaada guurka
haddaba maxaa keena furiinka ?
waxa keena furiinka waa wax aad u adag hasa yeeshee waxay sheegaan dadka ku taqasusay arrimahaan waxyaalo badan oo ka mid ah
1 dhibaato dhaqaale
2 in lakala fogaado
3 dabeecada oo lagu kal duwanaado
4 balwadda
5 dhaqanka oo lagu kal duwanaado
6 gogosha oo leeskaga kal heli waayo
7 faragalin ku timaada lamaanaha dhankasataba ha ahaatee
8 diinta oo lagu kal duwanaado
 inkastoo aad u badan yihiin wax sababa burburka qooska  haddana waxaan kasoo qaatay aniga inta ugu muhiimsan oo aan isdhahay badanaa ayaga ayee ka yimaadaan.
moowduucaan oo dood fara badan dhaliyay haddana dadka ku nool dunidaan aan joogno ayaa wuxuu ku eedeeyaa rag iyo dumarba midba midka kale in uu asiga keeno ama xagiisa katimaado in lakala tago hasayeeshee furiinka ka dhaxdhaca dadka soomalaiyeed ayaa salka ku haya seddax arrimood oo aad  moodaa in ay ka dhashaan kalatag aan xal laheen.
Sidaxdaas arimood waxee yihiin dhibatao dhaqaale, balwada iyo dhaqanka oo lagu kala duwanaado kala taga ugu badana ayaga ayuu ka yimaadaa gaar ahaan kala taga soomaalida.
Furiinka ka dhaca afrika ayaa sababsada had iyo jeeraale dhaqaalo daro daraadeed halka kuwa ka dhaca amerika iyo yurub ee sababaan siddaxda aan kor kusoo sheegay oo dhan,
  tusaale, soomalida kunool qurbaha waxoo kal tagooda sababa markasta dhaqanka oo doorsooma iyagoo ka tago dhaqankeenii suubanaa, dhibaato dhaqaale iyo balwada.
ugu danbeentii aqristoow waxaa maqaalkayga kusoo afmeerayaa marka hore in laga baqo Allaah loona laabto jidkiisii, taas oo qoysas badan ka badbaadin karto in uu ku yimaado bur-bur, waxaa kaloo kula talin lahaa in ay ka wada tashadaan waxkasta oo soo wajaha lamaanaha isla nool,qalad  hadii uu yimaadana, si wadjir ah loo xaliyo had iyo jeerna lagu dadaalo samirka iyo dulqaadka.

wixi talo iyo tusaalo ah igu soo dir iimeelkeyga

[email protected]
cabdi xasan maxamed
c/o Netherland

Add New Comment