Dowladda Soomaaliya oo joojisay Duulimaadyadii Qaadka




Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya mudane Cali Axmed Jaamac  “jingali” oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in si KMG ah ay dowladda Soomaaliya u hakisay duulimaadyadii diyaaradaha qaadka ee dalka Kenya.

Wasiir Jingali ayaa xusay in maalintii shalay Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya uu wargalin gaarsiiyay shirkadaha diyaaradaha kuna wargaliyay laga billaabo maalinta barito oo ay taariikhdu ku beegantahay 06 Sep 2016 hakad la galiyay diyaaradaha qaadka ee ka yimaada dalka Kenya.

Mudane Jingali ayaan faahfaahin ka bixin sababaha dowladda Soomaaliya ay Go’aankaan u qaadatay, isagoo meesha ka saaray Su’aal ay SONNA ka weydiisay in Shir Madaxeedka IGAD ee 10-ka bishaan ka furmaya magaalada Muqdisho aysan arrintaan wax lug ah ku ladahey.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in go’aankaan uu wada saameyn doono dhammaan Hawada Soomaaliya, tallaabo adagna laga qaadi doono ciddii ku soo xadgudubta hawada Dalka.


Add New Comment