Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay sharciga Axsaabta Siyaasadda ee dalka





Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gelinkii dambe saxiixay sharciga Axsaabta Siyaasada Dalka kaddib munaasabad Kooban oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “ Jawaari”, ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Michael Keating, Masuuliyiin ka tirsan labada golle ee Dowladda, iyo Xubno ka socday qaar ka mid ah Ururrada Siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “ jawaari” ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay dalka, isagoo intaa ku daray in sanadkan baarlamaanka uu qabtay shaqooyin muhiim ah sida iney ansixiyeen sharciyo muhiim u ah dalka sida sharciga Argagixisada, Axsaabta Siyaada Dalka iyo sharciyo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markii uu Saxiixay kaddib ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in sharcigaan uu ka mid yahay Sharciyada ugu Muhiimsan ee dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay qodobada Muhiimka ah ee ku jira Sharcigaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyed ugu faa’iideysan karaan.

6-dii Juun ee Sanadkaan 2016 ayay ahayd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen Sharciga Axsaabta Siyaasada ee Dalka.


Add New Comment