Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya



UNO.jpgQaramada Midoobay ayaa warbixin bileedkeeda ay kasoo saarto xaaladda Soomaaliya, waxay kaga hadashay doorkan, ilaalinta xuquuqun insaanka, dhowrista xorriyadda hadalka iyo is beddellada siyaasadeed ee Dalka oo ay u horreyso qabsoomidda doorashooyinka dadban.

Warbixintan oo ka kooban 59 Bog,ayay Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa waxay ku sheegtay in Afartii sano ee ugu dambaysay Soomaaliya lagu dilay in ka badan 30 Suxufi oyo 18 Xildhibaan, kuwaasoo naftooda ku waayay aragtidooda ku aaddan xaaladda Dalka iyo fekerka xorta ah.

Qaramada midoobay ayaa tilmaantay doorka ay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin xasilinta dalka iyo la dagaallanka Al-shabaab ,xilli ay dowladda federaalkuna isu diyaarineyso inay si nabad ah ku qabsoomaan doorashooyinka dadban ee Dalka.

Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo kaashanaysa beesha Caalamka, ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda,dhaqaalaha,sugidda ammaanka iyo la socoshada xaaladaha kala duwan ee dalka uu marayo, taasoo suurta gelisay inay Soomaaliya ku dhawaato xilli ay cagaheeda isku taagto 25-sana ka dib.


Add New Comment