Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif oo si diiran loogu soo dhoweeyay Muqdsho


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalinimadii shalay kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdusho, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Sheekh Shariif ayaa diyaarad qaas ah ka keentay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana soo dhoweeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, siyaasiyiin, mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo Haween.

Udiyaar-garowga soo dhoweynta Madaxweynihii hore ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn looga dareemayay magaalada Muqdisho oo dhan, iyadoo sawirro soo dhoweyn ah la suray waddooyinka qaar.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho uga dhawaaqo in uu yahay murashax u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya

Ammaanka madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, iyadoo markii dambena loo galbiyay guri looga diyaariyey agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaasoo mas'uuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan ay ku sugayeen.






Add New Comment