Allaha u naxariistee Jeneraal Goobaanle oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho



Gen Goobaale.jpgWaxa maanta qarax ismiidaamin ah magaalada Muqdisho lagula eegtay Allaah ha u naxariistee Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qof naftii hallige ah oo watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu gaarigaasi ku dhuftay baahuurki uu saarnaa taliyaha sidaana ay ku  geeriyoodeen Jeneraal Goobaanle iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii.

Qaraxyada noocan ah iyo dilalka lala beegsado dadka waxtarka u leh bulshada ayaa looga bartay maleeshiyaadka Shabaab, ee iyagu baneeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee abriyada ah.


Add New Comment