Mu’asasada Maxamed Bin Raashid ee Imaaraadka Carabta oo qoysas danyar ah u qeybisay hilbo



Hay’adda samafalka Maxamed Bin Raashid ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa deeq hilb ah u qaybisay boqollaal qoys oo dan-yar ah, oo isugu jira dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir, dadka baahida gaarka ah qaba, iyo ardayda Indhoolayaasha ah ee wax ku barta dugsiga Al -Basiir ee magaalada Muqdisho.

Mu’asasada kheyriga Maxamed bin Rashid ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa qashay 170 oo Neef oo lo’ ah, oo ay ugu talo-gashay in hilibkood loo qeybiyo qoysaska Soomaaliyeed ee tabaaleysan iyo dadka ku jira xero ceereedyada ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’deystay deeqdaan hilibka ah ayaa u mahadceliyay dowladda iyo Isutagga Imaaraadka Carabta gaar ahaan  shacabka Mu’asasada Maxamed Bin Raashid oo deeqdaan soo gaarsiisay xilli ay u baahnaayeen.
Hay’adaha samafalka ee dalka Imaaraadka Carabta oo kala ah Mu’asasada Kheyriga Maxamed bin Rashid iyo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa  Sedaxdii maalin ee Ciidul Adxa waxaa ay deeq hilib ah gaarsiiyeen dad fara badan oo ku kala nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Mu’asasada Kheyriga Maxamed bin Rashid iyo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa xoolaha ay hilib ahaanta u qeybiyeen maalmaha Ciidul-Adxa waxa ay gaarayaan 370 neef oo Lo’ ah, waxaana ka faa’iideystay ku dhawaad 4500 oo Qoys, oo isugu jira barakacayaal, dadka kale oo Saboolka ah iyo qoxootiga Yemen ee ku nool magaalada Muqdisho.

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabtu waxa ay ka mid ah dowladaha mar waliba taageerada iyo kaalmada bini’aadamnimo la garab taagan shacabka Soomaaliyeed.


Add New Comment