Shir Madaxeedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay


Waxaa mar dhow magaalada Muqdisho  lagu soo gebagabeeyay shir madaxeedkii 28aad ee Urur-goboleedka IGAD oo isla  maanta si rasmi ah uga furmay caasimadda Soomaaliya..

Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo xubno ka socda kabada Suudaan.

Ajandaha shirka looga hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa xaalada Soomaaliya, doorashooyinka dhowaan dhici doono iyo xaalada Koofurta Sudan.

War murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa lagu xaqiijiyay Midnimada Soomaaliya, iyadoo lagu taageeray doorashada dadban ee dhowaan ka dhaceysa dalka.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay horumarada ay sameysay dowladda hada waqtigeedu dhamaaday, iyagoo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Kenya oo shirka kaddib la hadlay Warfidiyeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhinac waliba leh, isla markaana ay ku faraxsanyihiin in shirka IGAD sanadkan Muqdisho lagu qabto.

Shirkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo lagu qabto Muqdisho, tan iyo markii la aas aasay Ururka IGAD sanadkii 1986.





Add New Comment