Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay madaxda cusub ee maamulka Hirshabeelle



Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay hoggaanka cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar. Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay Madaxweynaha maamulkaas iyada oo madaxweyne ku Xigeenna loo doortay Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe)

“Doorashadda dhacday maanta ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabellle, waxay caddeyn u tahay sida Soomaaliya u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray iyo sidoo kale sida shacabka Soomaaliyeed ugu bisil-yihiin ka qeyb-galka dowladnimada, Waxaan Madaxweyne Cali Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay baarlamanka maamulka Hirshabeelle, sida wanaagsan ee uu ugu guuleystey qabashada doorashada madaxtinimada ee Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uu si buuxda u dhammeystiray hirgelinta nidaamka Federaalka ay Soomaali qaadatay “dhammeystirka Maamulka Hirshabeelle, wuxuu dhammeystir u yahay hirgelinta nidaamka federaaleynta dalka , waana tallaabo loo qaaday dhanka baahinta xukunka dalka”

Ugu dambentii , Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda ula shaqeyn doonta maamulka cusub ee Hirshabeelle isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka Hirshabelle iyo maamul gobolleedyadda dalka ka jira inay la shaqeeyaan madaxda maanta la doortay.


Add New Comment