Cali Guudlaawe oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle



Guudlaawe 1.jpgBaarlamaanka dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa goordhaw  madaxweyne ku-xigeen u doortay Cali Cabdulaahi Guudlaawe, kaddib markii uu ka guuleystay murashixii la tartamayey oo ahaa Cali Xasan Taakow.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa shaaciyay in Doorashada Madaxweyne ku xigeenka uu ku guuleestay Musharax Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe oo helay codad gaaraya 87-cod halka Musharax Cali Xasan Taakow uu helay 10- cod ,waxaana codadkooda dhiibtay 97 xildhibaan.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahu Guudlaawe ayaa haa  gudoomiyiii hore ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Si kastaba ha ahaatee waxaa goor dhoweyd soo dhamaaday doorashadii madaxweynaha dowladgoboleedka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa oo galabta ka dhacday hoolka Farjano ee degmada Jowhar.


Add New Comment