Cali Cabdullaahi Cosoble oo loo doortay madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle



Osoble B.jpgMudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta loo doortay qabashada xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee ka kooban gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Mudane Cosoble ayaa helay guushuna ku raacday codadka 61 xildhibaan, halka murashixii ay isugu soo hareen tartanka doorashada oo ahaa mudane Maxamed Cabdi Waare uu helay 36 cod.

Waxaana markii cod bixintu dhammaatay kaddin natiijada cod bixinta ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle mudane Sheekh Cusmaan Barre, asagoona caddeeyey in mudane Cali Cabdullaahi Cosoble uu yahay madaxweynaha dowlad-goboleed Hirshabeelle..

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu wadaa in la dhaariyo marka ay soo gaba gabowdo doorashada Madaxweyne kuxigeenka oo ay ku tartamayaan Cali Guudlaawe Xuseen iyo Cali Xasan Taakow.

Maxamed Cabdi Waare oo doorashada Madaxweynaha lagaga guuleystay oo hadlay markii natiijada doorashada lagu dhawaaqay ayaa soo dhoweeyay natiijada, isla markaana uu ku faraxsan yahay in Cali Cabdullaahi Cosoble uu ka guuleystay, isagoo tilmaamay in wixii talo iyo tusaale uu diyaar ula yahay inuu ku biiriyo hadii uu uga baahdo.

Goobta ay ka socoto doorashada ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ay wehliyaan Xildhibaanada Senate-ka ee Aqalka sare ee maalmo ka hor lagu doortay magaalada Cadaado.

Doorashada Madaxweyne kuxigeenka ayaa hada bilaabatay, iyadoo Xildhibaanada ay u kala codeynayaan Labada Musharax ee ku tartamaya xilka Madaxweyne kuxigeenka oo kala ah Cali Cabdullaahi Xuseen oo loo yaqaano Cali Guudlaawe iyo Cali Xasan Taakow oo labadaba ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe.


Add New Comment