Diyaaradda Jabuti Airlines oo dib u bilowday duulimaadkeeda Muqdisho



Dj Airlines.jpgShirkadda Diyaaraddaha ee Jabuuti Airlines ayaa muddo 25 sano ah kaddib maanta soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Abdulle International Airport ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa duullimaad toos ah waxay ugu billoowday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho, iyadoo ka qayb qaadan doonta howlaha isu socodka Dadka Soomaaliyeed ee u kala gooshaya Labada Dal ee Walaalaha ah.

Jabuuti Airlines, ayaa ka mid noqonaysa Shirkado duullimaad oo heer Caalami ah, kuwaasoo dhowaanahanba Safarro shaqo oo toos ah ka waday gudaha Dalka Soomaaliya gaar ahaa Caasimadda Muqdisho.


Add New Comment