Doorashadii guud ee maalinimadii shalay ka dhacday dalka Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa waxa si aqlabiyad ah ugu guuleystay xisbiga ra'iisul-wasaare David Cameron ee Conservative Party ee haatan qaybta ka ah xukuumadda wadaagga ah ee ka talisa dalkaasi.
Xisbiga Conservative-ka ayaa barlamaanka dalkaasi ka helay kuraas ka tiro badan intii la filayey, kaddib markii uu doorashada kaga guuleystay xisbiyadii tartanka kula jiray ee uu ugu weynaa Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party).
David Cameron ayaa ku guuleystay 5 sano oo kale, asagoona taageerayaashiis u sheegay in guusha uu xisbigiisu gaaray ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee muddo dheer kaddib soo marta.
Xisbiga ugu weyn axsaabta mucaaradka ee Shaqaalaha (Labour Party) ayaa lumiyay kuraas fara badan oo uu ka filayey gobolka Scotland, kuwaas oo ay wada qaateen xisbiga SNP.
Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha UK, David Miliband ayaa is casilay kaddib markii xisbigiisu ku guuleysan waayay doorashada UK.
Waxaa kale oo is casilay hoggaamiyeyaasha xisbiyada Liberal Democrats, Nick Clegg iyo UKIP Nigel Farage.