Taliska Ciidanka Milateriga oo faah faahin ka bixiyay howl galka ka socda Sh/Dhexe



Taliska Ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howl galada ka socda deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kadib markii shalay Ciidamada ay la wareegeen tuulooyin hoos-taga degmada Ruun-Nirgood.

Abaanduulaha ciidanka Milateriga Jen. Cali Baashi ayaa sheegay in ujeedka howl galada loo qaaday ay tahay sidii la isugu furi lahaa xuduudka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

“Howl galadan si wanaagsan ayay u socdaan, ciidamada qaranka waxay ka sifeynayaan cadawga meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan, howl galkan waxaa uu yahay in la isugu furo xuduudka labada gobol ee Sh/Dhexe iyo Galgaduud”ayuu yiri Jen. Cali Baashi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in meelaha gacanta lagu dhigay ee laga saaray Al-Shabaab aanay ciidamada dib uga soo bixi doonin sida horay u dhacday.

Ciidamada dowladda ayaa shalay la wareegay deegaano dhowr ah, kadib markii horaantii todobaadkan ay dagaalo ka dhaceen, Al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay degmada Ruun-Nirgood, kadib markii weerar rogaal celis ah ku qaaday.


Add New Comment