Ciidamada dowladda oo maanta la wareegay deegaano u dhaxeeya Cadale iyo Ruun-Nirgood




Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa maanta mar kale la wareegay deegaano u dhaxeeya degmooyinka Cadale iyo Ruun-Nirgood, halkaasoo maalmo ka hor dagaalo culus ay ka dhaceen.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa la wareegay deegaanada Maxaa Saciid, Nuur Dugle, Cad-cadey, Cadaan-Laxey iyo Wargaadhi, waxaana deegaanadan ay ciidamada isaga soo baxeen, markii Al-Shabaab weerar ku qaaday ciidankii dowladda ee ku sugnaa Ruun-Nirgood.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada oo ay hogaaminayaan Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay qorsheynayaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen degmada Ruun-Nirgood.

Dagaalkii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay degmada Ruun-Nirgood ayaa ciidanka dowladda looga furtay gaadiid dagaal iyo saanad hub ah oo u badneyd rasaas.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaano hoos-yimaada degmada Ruun-Nirgood, waxaana deegaanada qaar ee xiisadaha ka jiraan ka barakacay dadkii deegaanka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howl galo looga saarayo Al-Shabaab deegaanada Shabeellaha Dhexe.


Add New Comment