Taliyaha ciidanka booliska oo saraakiil ciidan u furay aqoon kororsi




Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tababbar aqoon korosi ah u furay afartan sargaal oo ka tirsan ciidanka booliska, kaasi oo qeyb ka ah sare u qaadidda aqoonta Saraakiisha ciidanka booliska.

Qaar ka mid ah saraakiisha uu u furey siminaarka Aqoon kororsiga Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya  oo la hadalay War Baahinta qAranka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin tababbarkan loo qabtay, ayna diyaar u yihiin in waxyaabaha ay ka bartaan ay ku dabaqi doonaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku la dardaarmay saraakiisha ciidanka booliska in ay cadaallada iyo sharciga ay ku shaqeeyaan, waxa uuna xusay Taliyaha in dhaqaalaha ku baxayo uu san aheyn mid hay’ad ugu deeqday balse uu yahay mid iyaga jeebkooda ay ka bixinayaan.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe wadey qorshe kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana dhawaan jirtay in saraakiil ciidan tababbar loogu qaaday dalka Talyaaniga 25 sano kadib.


Add New Comment