Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka ka furmay Istambul




Shir madaxeed ku saabsan arrimaha bani aadannimada ayaa maanta ka furmay magaalada Istambul ee dalka Turkiga, kaasi oo si gaar ah diiradda loogu saarayo la-tacaalidda xasaradaha qaxootiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanki shirkaasi ayaa ka hadlay marxaladda uu dalku marayo iyo hanaanka la doonayo iney dalka uga qabsoomaan doorashooyin sanadkaan.

Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh soo hadal qaaday marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo dadallada dowladdu ugu jirto dib u hagaajinta hanaanka dowladnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Soomaaliya ay iminka u jaheysatay dhanka horumarka, ayna ka soo kabaneyso burburki dalka soo maray.

Shirkan ay taageereyso QM, oo socon doonaa illaa arbacada, ayaa ku baaqi doona ficillo wax looga qabanayo musiibooyinka bani aadanimada iyo yareynta halista ay dalalka soo koraya ugu jiraan arrintaas.

“Dunida waxaa maanta ka jira dhibaatooyin waa weyn, waxaana jirta baahi weyn oo ah inaan taageero u muujino dadka ay saameeyaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aadanaha sababo” Waxaa sidaas yiri ku xigeenka xogahayah guud ee QM Jan Eliasson.

In ka badan 125 hogaamiye iyo dad gaaraya shan kun oo qof, ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan shirka.



Add New Comment