Ciidamo British Ah Oo Tagay Soomaaliya




Askar ka tirsan ciidamada milatariga waddanka Britain ayaa maanta tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi.

Ciidamadan ayaa loogu talagalay taageero milatari siiyaan howl-galka ay Qaramada Midoobey  taageerto ee ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda.

Ciidamadan ayaa Amisom siin doonaa taageero dhinaca farsamada iyo caafimaadka ah.

Xoghayaha gaashaandhigga Britain, Michael Fallon ayaa sheegay in kadib ciidamadan horudhaca ah ee maanta tagay Muqdisho ay jira doonaan illaa 70 askari oo kale oo ciidamao British ah oo sanadkan gaari doona magaalada Muqidsho.

“Tegitaanka ciidamadan ee Soomaaliya waxa ay muujineysaa dadaalladeena ku aadan wax ka qabashada argagixisada” ayuu yiri Fallon.

Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron ayaa bishii September ku dhowaaqay in Britain ay ciidamo u direyso dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed.


Add New Comment