Madaxweynaha oo ka qeyb galay xuska 1-da May, xarigana ka jaray xarumo dib u dhis lagu sameeyay+sawirro



Munaasabad isugu jirtay xuska 1-da May oo ah Maalinta Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo  kan Adduunka iyo furitaanka dhib u dhis lagu sameeyey Xarumihii Wasaaradaha Shaqada iyo Arimha Bulshada iyo Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeynta ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Mdaxeynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn waxaa uu xarigga ka jaray Xarunta Wasaaradda Hawlaha guud dib u dhiska iyo guryeynta, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaradda Hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryeynta Eng Saalax Sheekh Cusmaan waxaana Madaxwweynuhu ku soo wareegay qaybaha Wasaradda oo uu ku jiro shaybaar loogu tala galay hubinta tayada qalabka dhismaha ,ka dib Madaxweyha iyo Xubnihii la socday waxay u gudbeen Xarunta Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimha Bulshada waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimha Bulshada Mudane Cabdiweli Ibraahib Sheekh Muudey, iyadoo Madaxweynuhu uu xariga ka jaray Xarunta Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimha Bulshada oo dib dayactir lagu sameeyey.

Xarunta Wasaaradaha Shaqada iyo Arimha Bulshada ayaa waxaa si rasmi ah loogu qabtaya Munaasabada xuska 1-da May oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradaha Shaqada iyo Arimha Bulshada, maadaama ay tahay maalinta shaqaalaha adduunka, gaar ahaan tan Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha Shaqada iyo Arimha Bulshada Mudane Cismaan Iibaax Ibraahim oo ahaa Guddoomiyaha qabanqaabada Musaabada 1-d May ayaa tilmaamay in maanta oo kale ay farxad weyn u tahay dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa tilmaantay iney tahay wax lagu faani in la arko dadku wax qabsan karo, gaar ahaan dib u dhiska xarumaha danta guud.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Carb Xasan Cilmi ayaa tilmaamtay in iskaashi dhexmara shacabka uu guuleysan karo, bulshaduna loogana baahanyahay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud.

Guddoomyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa tilmaamay in afar sano ka hor Wasaaradah dawladdu qaarkood ay iskor saarnaayeen oo ay hal meel wada deganaayeen, balse iminka lagu guuleystay inay dhistaan xarumahooda.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Barlamaanka Dr Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa ka sheekeeyey sida ay ku bilaabatay maalinta 1-da May, isagoo xusay in maanta oo kale ay maalin weyn u tahy dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlaayey magaca golaha Xukuumadda ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo  Mas’uuliyiinta labada Wasaaradood.

Wasiirka Wasaradda Hawlaha guud dib u dhiska iyo guryeynta Eng Saalax Sheekh Cusmaan oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay  In dhismaha labada Wasaaradood aysan gacan ka geysan wax shisheeya ah, laguna dhisay oo kaliya dadaalka madaxda dowladda iyo shacabka oo isbiirsaday.

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulsghada Mudane Cabduweli Ibraahib Sheekh Muudey ayaa sheegay in la gaaray hadafkii iyo ujeedadii ahayd in dib loo dhiso Xarunta Wasaaradaha Shaqada iyo Arimha Bulshada, isagoo uga mahadceliyay intii gacan ka geysatay dib u dhiska xarunta.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan xoogsata Adduunka iyo tan Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryey sanadkan kiis kale inay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Ugu danbeyta Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxauud ayaa fariin gaar ah u diray Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana kula taliyey in ay ogaadaan waxa Dalka uu u baahan yahay.

Maanta oo kale 1-da May ayaa Calaamka oo dhan laga Xusaa maalinta Xoogsata Soomaaliyeed iyo tan  Caalamka, taasi oo lagu qabtay qaar badan oo ka mid ah gobollada dalka.








Add New Comment