Soomaaliya oo 30 sano kaddib yeelatay qorshe Qaran



Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya , guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha, ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb-galay munaasabad lagu soo bandhigayey qorshaha dowladda ee saddexda sannao ee soo socota.

Madxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Barlamaanka, Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaaraha Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, Xafiiska Q.M ee Soomaaliya, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaailya, ayaa ku sugnaa madasha lagu soo bandhigayey Qorshaha dowladda ee saddexda sanno ee soo socota.

Qorsha Qaran oo ay soo diyaarisay wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa soo socdey muddo sanad bar, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Soomaailya, mudane Cabdullaahi Sheekh Cali, ayaa sheegay in faa’iidada uu leyahay qorsha in uu yahay in dalka laga saaro marxalad dhaqaale yari.

Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte, ayaa sharraxaad faah-faahsan ka bixiyey ahmiyadda barnaamijka Qorshe Qaran, waxa uu sheegay in nuxurka ugu weyn uu yahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka, meeshana looga saari laha saboolnimada, qorshahaanna lagu howlgalo doono muddo saddexda sanno ee soo socota.

Mr Pater oo ah ku xigeenka Ergeyga Xafiiska Q.M ee Soomaaliya, ayaa sheegay in caalamka qorshahaan Soomaaliya uu kula shaqeyn doono, isla markaana ay soo dhoweynayaa sida loo diyaariyey qorshaha dowladda ee saddexda sanno.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali, ayaa sheegay in u jeedada qorshaan loo sameeyey in ay tahay sidii loo dhisi lahaa sharuucda iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda, Xukuumadduna ay ku guuleysatay in ay dadajiso arrintaan.

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay guul weyn gaartay mar haddii uu dalku yeeshay Qorshe adduunka ay nagula shaqeeyaan.
Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Xikmadda ugu weyn ay tahay in Qorshahaan lagu sameeyey Wadatashi loo simman yahay, hasa ahaayeen muhiimaddu ay tahay in dadka ay akhbalaan qorshaan si uu u hirgalo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wasaaradda Qorsheynta faray in lagu daro Qorshaha, dabbagalka iyo qiimeynta si look ala ogaado hirgalinta, fulinta iyo caqabadaha ku yimaada qorshaha dowladda ee saddexda sanno.

Soomaaliya ayaa qorshe u gaar ah yeelaneysa ku dhowaad muddo laga joogo soddon sannadood, waxaayaba ugu waa weyn ee la rajeynayo qorshahaanna waxaa ka mid ah in isbaddel Dhaqaalaha uu dalka ku yimaado, si nolosha iyo horumarka dalka u xoogeystaan.

Sawirro



Add New Comment