Wasiirka arrimaha dibadda Mauritania oo soo gaaray magaalada Muqdisho




Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Khaled Omar Ali ayaa maanta ku qaabilay caasimadda Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Islaamiga Mauritania H.E. Isselkou Ould Ahmed Izid Bih iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqanaya dalka.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo la xiriira qaabkii lagu horumarin lahaa xiriirka, iyadoo la ogsoon yahay in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka mid aheyd dowladihii ugu horeeyay ee aqoonsaday Mauritania markii ay gobonimada ka qaadatay France , November 28, 1960.

Fadhigan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed iyo ammaan ee gobolka iyo dunida , waxaana la isku afgartay dhammaan waxyaabihii laga wada hadlay oo ah danaha ay wadaagi karaan labada dal.

Waxaa xusid mudan in Jamhuuriyadda Islaamiga Mauritania ay marti gelineyso shir madaxeedka wamadama xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta , Wareeggiisa 27-aad , kaas oo la qorsheeyay inuu ka furmo bisha July Magaalada Nouakchott.

Add New Comment