Wasiirka Arimaha Dibada oo xaqiijiyay geerida Wasiir Burci Maxamed Xamze oo weerarkii Naasahablood ku dhintay..




Iyadoo ay soo baxayeen warar ku aadan in weerarkii Hotelka Naasahablood ee Magaalada Muqdisho dadkii ku dhintay uu ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka Bii’ada Burci Maxamed Xamze, ayaa arintaasi waxaa xaqiijiyay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya.

C/salaan Cumar Hadliye, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya ayaa bartiisa Twitterka, wuxuu ku xaqiijiyay weerarkaasi inuu ku dhintay Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. 

Wasiirka Arimaha Dibada ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Burci, isaga oo u rajeeyay Raxmada Eebe.

Burci Maxamed Xamze ayaa wuxuu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka xilliga weerarka uu dhacaayay, wuxuuna ka mid noqday dadka weerarka ku dhintay.

Burci, wuxuu horay u soo noqday Wasiiru Dowlihii Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya, hadana wuxuu ahaa Wasiiru Dowlaha dhanka Bii'ada ee xafiiska Ra'iisul Wasaraha, isaga oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.

 


Add New Comment