Uganda oo Ciidamadeeda kala baxeysa Soomaaliya sanada 2017




Taliyaha Ciidamada Milateriga ee dalka Uganda General Katumba Wamala ayaa ka warbixiyey xilliga rasmiga ah ee ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howl galka AMISOM ee Somalia ay ka bixi doonaan Somalia.

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada Uganda oo door weyn ka qaatay dhinaca nabad soo celinta ee Somalia ay si toos ah ciidamadoodu u faarujin doonaan Somalia Bisha December ee Sanadka 2017.

Balse Madaxa Guddiga Nabad gelyada iyo ammaanka ee Midowga Africa Somalia Chergui ayaa xusay in uu jiro qaraar sheegaya in dhamaan dalalka ciidamadooda ay ka joogaan Somalia ee howl galka AMISOM ay ka bixi doonaan Somalia bisha October ee sanadka 2018.

Hadalka ku saabsan xilliga ka bixitaanka ciidamada Uganda ee Somalia ayaa waxaa taliyaha ciidamada dalkaasi uu ka sheegay kulan ay Kampala ku yeesheen taliyayaasha ciidamada AMISOM kaasoo ay ku sheegeen in ka hor bixitaankooda Somalia ay muhiim tahay in ciidamada Somalia ay helaan tababar ku filan iyo qalab.

General Katumba Wamala ayaa sheegay in hada la joogo xiligii dowlada Somalia ay ka shaqeyn lahayd in ciidamadeeda ay si weyn u sugaan ammaanka isla markaana ay ka hortagi lahaayeen Al Shabaab.

Uganda ayaa ah  dalkii ugu horeeyay ee African ah oo ciidamo u soo dira Somalia sanadkii 2007 xilligaasoo dalka uu ku jiray jahawareer xoogan


Add New Comment