Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo maanta ka furmaya Baydhabo




Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo shirka Madasha Wada-tashiga qaran ee Hoggaamiyeyaasha dowladda, iyadoo shirkan uu noqonayo kii ugu dambeeyay ee looga arrinsanayo hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2016 dhici doona.

Qaban qaabada shirka ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay laga dareemayay magaalada Baydhabo, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Dhexe ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, kuwaasoo kormeerayay goobaha loo diyaarinayay inuu shirka ka dhaco.

Sidoo kale Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in gelinka hore ee maanta gaaraan magaalada Baydhabo.

Mas’uuliyiinta maamulka Koofur galbeed ayaa sheegay in shirka uu furmi doono maanta, isla markaana ay rajeynayaan in Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay isla maanta soo gaaraan Baydhabo.

Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo ku aadan waqtiga ay dhici doonaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, labadiisa Kuxigeen iyo doorashada Madaxweynaha, waxaana jira qodobo qaar oo wali aan la isku fahmin, sida tirada Xildhibaanada laga soo xulayo maamul goboleedyada.

Arrinta muranka ugu badan ka taagnaa ayaa waxaa uu ahaa matalaada Caasimada Muqdisho ee aqalka sare, iyadoo shirkii ugu dambeeyay ee Muqdisho lagu go’aamiyay in guddi loo saari maqaamka Muqdisho, kaasoo muddo lixdan maalmood soo diyaarinaya maqaamka ay yeelaneyso Caasimada, inkastoo aan guddigaas wali la dhisin.

Hoggaamiyeyaasha Madasha wada-tashiga qaran ayaa bilihii la soo dhaafay ahaa kuwo gaarayay talada dalka, iyadoo sida muuqata howlihii baarlamaanka hada jira uu lahaa ay la wareegeen, waxaana dadka odorasa siyaasada Soomaaliya ku tilmaameen go’aanada qaar ee ay gaareen Madaxda ay yihiin kuwo aan sharceysneyn, maadaama aan Baarlamaanka uu meel marin.

Shirka Baydhabo ayaa lagu dhameystiri doonaa go’aankii horaantii bishan laga soo saaray shirkii Hoggaamiyeyaasha Madasha ku yeesheen magaalada Muqdisho,


Add New Comment