Wafdi ka socda Qarammada midoobay oo booqday Galmudug



Wafdi ballaaran oo ka socda Qarammada midoobay (UN) ayaa booqasho ku tagay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Wafdiga ayaa la kulmay  ku-xigeenka Madaxweynaha Galmudug mudane Maxamed Xaashi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira hirgalinta doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada sannadkan.

Wafdiga ayaa booqday goobo loogu talagalay inay ka dhacaan doorashooyinka, waxaana looga warbixiyay qaabka loo maamuli doono.

Ugu dambaynna, madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Galmudug ay taageersan tahay sidii ay dalka uga dhici lahaayeen doorashooyin xalaal ah.



Add New Comment