Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo



Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kmg dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye Jawaari iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxa garoonka diyaaradha Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur-galbeed Soomaaliya.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaa safarka ku wehlinaya xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,

Dhinaca kale magaalada Baydhabo waxaa ka socota qaban qaabada shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qaybgalayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka kaasoo la filayo in uu halkaaso ka furmo 20-ka bishan.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo maamulka Koofur galbeed oo gacan ka helaya shacabka uu dadaal badan ugu jiro marti gelinta shirka madasha wadatashiga qaran oo ka furmi doona Baydhabo maalin kaddib.


Add New Comment