Midowga Yurub oo Dowladda Federaalka Ugu Deeqay €73 million



Shirkii dhawaan ku soo dhamaaday Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Cumar Carte.

Shirkan ayaa waxaa Midawga Yurub uu dalka Soomaaliya ugu deeqay 73 Milyan oo Taageero Dheeraad ah,taas oo lagu hormarinayo dalka Soomaaliya.

Midawga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera Dhinacyo badan, waxaana Kaalmadaan ay noqoneysaa mid ay ugu talo galeen Hormarinta iyo dib u dhiska Dalkeena Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Mudane Carte oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto wadadii Dib u soo ka bashada islamarkaana Dowladdaha Taageera looga baahan yahay in ay Derdar galiyaan Kaalmada la siinayo dalka Soomaaliya.


Add New Comment