Prof. Dufle oo ka Hadlay Cudurka Kaduudiyaha iyo Qaabka ugu Habboon ee looga Hor-tegi karo




Iyadoo Dhawaanahaan uu Qaybo ka mid ah Somalia oo ay ku jirto Muqdisho uu ka jiray cudur loo yaqaanno Kaduudiye oo aad u Qandho badan, ayaa waxaa ka hadlay Qaabka looga hor-tego iyo habka loo daweeyo, Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Macallinna ka ah kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir.

Dhakhtarka ayaa si faahfaahsan uga hadlay taariikhda cudurkan, siyaabaha loo kala qaado, habka looga Hor-tago iyo weliba daweyntiisa, isagoo tallooyin muhiim ah oo cudurkan ku saabsan u jeediyey bulshada Soomaaliyeed.

“Cudurka Kaduudiyaha ama loo yaqaano (Chikungunya Fever) waa cudur Adduunyada oo dhan ka jira - oo Safmar yeesha (Outbreak), Wuxuu ku badan yahay Waddamada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, Koonfur-bari Aisa, Latin Amerika, deegaanada Badweynta Hindiya ku teedsan iyo baasifikada,” ayuu yiri Prof. Dufle.

Sidoo kale, wuxuu intaa ku daray in markii u horeysay lagu arkay cudurkan Dalalka Bariga Afrika Sannadihii 1952 --1953, Wuxuuna sheegay in magaca cudurkaan ee (Chikungunya) uu Macnihiisu yahay (Qallooc u socod) - Taasoo Tilmaameysa buu yiri bukaanka xaaladda markaas uu ku sugan yahay.

Markii ugu horreysay cudurka kaduudiyaha ayuu xusay Prof. Dufle, in lagu arkay Somalia sanadkii 2005 wuxuuna tilmaamay in Cudurkan ay isku eg-yihiin Cudurka (Dengue Fever) oo aad ugu dhow calaamooyinkiisa.

“Fayruska dhaliya Cudurkaan in uu yahay Chikungunya, Waxaa lagu caddeeyay dad qabay Waqtigaas 2005 oo dhiig-baaris ay ka qaadday Hay’adda WHO, Sidoo kale Dhallinyaro ka timid waqtigaas Mareykanka kaddibna ku laabatay ayaa markii ay baartay xarunta CDC ee Atlanta waxaa laga helay Fayruska Chikungunya” ayuu yiri dhaqtarka.

Prof. Dufle ayaa intaas ku daray, in cudurkaan ay kala Gudbiso Nooc ka mid ah Kaneecada oo loo yaqaanno (Aedes aegypti) ka dib marka ay qaniinto qof qaba cudurkii ama Fayruskii iyadoo  u gudbisa qof fiyow ayuu yiri Prof. Dufle, isagoo xusay in xilliga uu Fayrusku galo dhiigga illaa ay ka soo baxayaan Calaamadihiisa ay qaadaneyso muddo u dhexeysa Saddex illaa toddoba maalmood ah.

Calaamadaha cudurkan waxaa ugu horeeya qandho aad u xooggan oo illaa iyo 40 heer kulkeedu gaari karo, Xubno xanuun, Dhabar xanuun, Madax xanuun, murqo xanuun, barar kala goysyada ah, qanjiro barar, nabaro yaryar oo jirka oo dhan ka soo yaaca (Rash) cuntada oo qofka qaadi kari waayo, daal badan, mararka qaar labbo-labbo iyo matag ayaa la socda” ayuu yiri Prof. Dufle.

Calaamadahan ayuu sheegay dhaqtarku iney xooggoodu jiri karaan 3 illaa 7 maalmood, intaa ka dibna waxaa uu xusay in bukaanku ka soo bogsanayo cudurka Waxaa dhici karta ayuu yiri in dadka qaar, gaar ahaan kuwa da’da ah in xanuunkii iyo bararkii kala goysyada ay sii jiri karaan muddo usbuuc illaa laba usbuuc ah ama ka sii badan isagoo tilmaamay in cudurkan uusan inta badan aheyn dilaa balse uu qofka dhowr maalmood howlgab ka dhigo.

Prof. Cismaan Dufle ayaa xusay in Cudurka Chikungunya ama kaduudiyaha wax ka hortag tallaal ah uusan laheyn, balse ka hortagga ugu wanagsan uu yahay in la iska ilaaliyo qaniinyada kaneecada cudurka ama Fayruska iskugu gudbisa dadka.

“Waxaa loo baahan yahay in dabeyl badan lagu furo guriga iyadoo dariishada loo furayo ama marwaxada dabeysha ama qaboojiyaha (AC-ga) si guriga gudihiisa looga fogeeyo kaneecada Waxaa kaloo loo isticmaali karaa sunta kaneecada sida DEET, iwm, waxaa muhiim ah in goobaha biyo-fadhiisadka leh sida balliyada iyo barkadaha ee kaneecadu ka dhalato ama qashin qubyada la nadiifiyo laguna shubo sunta dileysa ukumaha kaneecada. Waxaa kaloo muhim ah in bulshada deegaanka hawshaas u kacdo  si looga hortago in cudurkii saf mar joogto ah u yeesho” ayuu intaa ku daray Dhaqtarka oo xusay in loo baahan yahay in la xirto dhar lugaha iyo gacmahaba daboola si looga gaashaanto qaniinyada kaneecada.

“Daawada cudurkan waa nasasho, biyo badan oo la cabo iyo kaniiniga qandho-jebiyaha oo la cuno marka qandho xoog badan ay jirto, Waxaan bulshada u sheegayaa dadka cudurada kala duwan qaba sida dhiig-karka, sokorta, kelya-xanuunka, beer-xanuunka, ama cudurada feeraha sida TB-da iwm inaysan joojin daawada ay qaataan haddii uu kaduudiye haleelo sidoodana  u sii wataan, sidoo kale qofkii xanuun la soo darso daawada cudurka markaas hayana loo qoray waa inuu qaataa; taas waxaan ugu gol leeyahay inaan caddeeyo in uusan jirin fikirka waayahan soo kordhay ee bulshada qaarkood aamineen oo ah in wax dawo aan la qaadan karin, mar kale arintaas waa fikir qaldan  xaqiiqdana ka fog isla markaana bulshadeena aan ka wacyigelineyno” ayuu hadalkiisa ku soo gebageebeyey Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo dhinaca kale xildhibaan gudoomiye ka ah guddiga adeega bulshada ee baarlamanka Somalia.

Ugu dambeyn, hadalka Prof. Dufle ayaa ku soo aadaya xili dad fara badan oo ku dhaqan Muqdisho iyo Gobollada Waddanka Qaarkood ay la ildaran yihiin cudurkan kaduudiyaha loo bixiyey oo Somalidu aysan wax badan ka fahamsaneyn, waxaana cudurkan uu maalin walba soo ritaa dad fara badan.

Add New Comment