Turkiga oo Soomaaliya ugu deeqay $ 2 Milyan bil kasta



Golaha wasiirada cusub ee dalka Turkiga  ayaa ansixiyay lacag deeq ah oo bil walba dowlada Turkiga ay siinayso Somaliya ,taasoo gaaraysa $ 2-Milyan guud ahaanna isku darkeedu ay dhan tahay $ 24 Milyan.

Wargeyska Rasmiga ee dowlada Turkiga ayaa maanta oo Talaada ah  warkan shaaciyay wuxuuna cadeeyay in lacagahan kaalmada ah lagu kabayo misaaniyada dowlada Somaliya iyo   adeegyada hay’adaheeda, iyadoo loo siinayaa Somaaliya si qeyb qeyb ah.

Qeybta ugu horeysa ayaa waxay noqonaysaa lix Milyan Doollar oo hal mar  la siinayo Soomaaliya, kadib markii la soo mariyo wasaarada arrimaha dibada ee Turkiga si looga dhigo qaab heshiis labada dal ah ay gaareen.

Sida laga warqabo waxaa Todobaadkan  dekeda magaalada Muqdisho ku soo xirtay markab Turkiga leeyahay oo sida gargaar bani’aadanimo oo lagu qiimayay $ 8 milyan  looguna tala galay dadka  Soomaaliyeed ee wax  yeelada ka soo gaartay  daadadka iyo abaartii dalka ku dhufatay.


Add New Comment